HomeWararHaweeney Soomaali lagu jir-dilay Xabsi ku yaalla New Zealand oo la siiyey...

Haweeney Soomaali lagu jir-dilay Xabsi ku yaalla New Zealand oo la siiyey magdhow…

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Haweeney Soomaali oo lagu magacaabo Asha Ali Abdulle ayaa  la siiyey qeyb ka mid ah lacago magdhow oo loo qoondeeyey, kadib, markii lagu jir-dilay Xabsiga.

Haweeneydaasi waxay soo dhamaysatay xabsi 9-sanno ah oo ay ku muteysatay Afduub ay u geysatay Diyaarad nooca yar oo 19-ka kursi leh bishii Feberaayo 8-dii ee sannadkii 2008-dii, waxaana Xabsiga laga sii daayey bishii Feberaayo ee sannadkii 2017-kii.

Diyaaradaasi waxaa lahayd Shirkadda Diyaaradaha ee Eagle Flight, waxayna xilligii la afduubanayey isaga kala gooshaysay magaallooyinka Blenheim iyo Christchurch ee dalkaasi.

Maxkamad ku taalla magaalladda Christchurch  waxay Isniintii la soo dhaafay ku dhawaaqday in Haweeneydaasi magdhow laga siiyey dhibaatadii jir-dilka ee loogu geystay Xabsiga muddadii ay xirnayd.

Waxay dhaawacyo ka soo gaareen gacmaha, mana awoodo inay shaqsi ahaan soo xaajo-gudato Suuliga ama ay Shaawarka ku soo qubeysato.

Haweeneydaasi oo ay Dhakhaatiirta horey u sheegeen inay qabto dhibaato maskixiyan ayaa waxaa la sheegay in laga yaabo in la siiyey ilaa 15,500 Dollar oo ka mid ah Kharajka guud ee magdhowgii loo xukmiyey oo dhamaa 25,000 oo Dollar.

Shabakadda Wararka ee stuff.co.nz  ee ka soo baxa dalka NZ ayaa qoray in hal Duuliye iyo saddex qof oo rakaab oo ka mid ahaa Dhibanayaashii Diyaaradda la afduubtay sheegteen magdhow.

Duuliyaha oo mindi looga dhaawacay suulkiisa ayaa dalbaday magdhow dhan 146,341 Dollar, balse  waxaa magdhow loo siiyey 5,000 oo Dollar, halka saddex qof ee rakaabka ee Dhibanaha ahaa la siiyey min 1,500 oo Dollar.

Dhinaca kale, Maxkamad waxay go’aamisay  in  Asha Ali Abdulle la siiyo 15,500 oo Dollar oo ah Lacagtii ka soo hartay kharajkii guud ee la kala siiyey Duuliyaha iyo Dhibanayaasha kale.

Asha Ali Abdulle oo dalka NZ tegtay sannadkii 1994-kii, waxay ku noolayd, kana shaqeysan jirtay magaalladda Blenheim,  waxaana la sheegay inay ahayd qof ka xanuunsan dhimirka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories