HomeWararHowlgal dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Howlgal dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gaashaan ayaa xalay waxa ay howlgalo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir. Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan ka sameeyay Xaafadaha ku dhow Isgoyska degmadaas,isla markaana waxaa ay kusoo qab qabteen dad u badan dhalinyaro. Qof ku sugan Degmada Boondheere oo la hadlay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gaashaan ayaa xalay waxa ay howlgalo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan ka sameeyay Xaafadaha ku dhow Isgoyska degmadaas,isla markaana waxaa ay kusoo qab qabteen dad u badan dhalinyaro.

- Advertisement -

Qof ku sugan Degmada Boondheere oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Ciidanka howlgalka intii ay wadeen ay kusoo qabteen dhalinyaro badan,kuwaasi oo la isugu geeyay meel barxad ah,qaarkoodna looga shakiyay falal amni daro,sidoo kalena Ciidanka horey ay u wateen si baaritaano loogu sameeyo.

Habeen kahor ayaa waxaa Isgoyska Degmada Boondheere gaar ahaan dhinaca wadada soo aada Taalada Daljirka Daahsoon lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii hore ee amniga iyo Siyaasada ee degmadaas Cali Hiloowle oo ku magac dheer Cali dheere.

Allaha u naxariistee Cali dheere ayaa ku Guddoomiye ku xigeen u ahaa Guddoomiyihii horey ee Boondheere Cabdullaahi Xirsi Wardheere istakiin,isla markaana waxaa xusid mudan in isla Nawaaxiga habeeno kahor lagu dilay Shaqaale ka tirsanaa Wasaaradda amniga Soomaaliya.

- Advertisement -

Tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa Degmada Boondheere waxaa ka dhacay dilal qorsheysan,kuwaasi oo geysteen kooxo hubeysnaa Bastoolado.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts