HomeWararFaah faahin ka soo baxeysa Toogasho ka dhacday Magaalada Gaalkacyo

Faah faahin ka soo baxeysa Toogasho ka dhacday Magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo xalay koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku dhaawacay Madaxii hawl-gelinta ciidanka Isku dhafka ah ee Gobolkaas. Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho  ayaa u sheegay in Gaashaanlle dhexe Khaliif Nuur Shiil la dhaawacay xili uu ka soo baxay Salaadii Taraawiixda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo xalay koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku dhaawacay Madaxii hawl-gelinta ciidanka Isku dhafka ah ee Gobolkaas.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho  ayaa u sheegay in Gaashaanlle dhexe Khaliif Nuur Shiil la dhaawacay xili uu ka soo baxay Salaadii Taraawiixda oo uu kusoo tukaday Masjid ku yaalla Koonfurta Gaalkacyo.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in dhowr rasaas ah lagu furay Sarkaalka,isla markaana uu soo gaaray dhaawac culus,waxaana loo qaaday Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo,halkaasi oo haatan lagu dabiibayo xaaladiisa Caafimaad.

Kooxihii ka dambeeyay falkaasi ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxaana halkaasi durbo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada,iyagoona ka sameeyay howlgalo lagu raadinayo ragii fuliyay falka.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Mudug oo ku aadan dhaawacii xalay loo geystay Gaashaanlle dhexe Khaliif Nuur Shiil oo ah Madaxii hawl-gelinta ciidanka Isku-dhafka ah ee Gobolka Mudug.

- Advertisement -

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts