HomeWararFaah faahin ka soo baxeysa Toogasho ka dhacday Magaalada Gaalkacyo

Faah faahin ka soo baxeysa Toogasho ka dhacday Magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo xalay koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku dhaawacay Madaxii hawl-gelinta ciidanka Isku dhafka ah ee Gobolkaas. Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho  ayaa u sheegay in Gaashaanlle dhexe Khaliif Nuur Shiil la dhaawacay xili uu ka soo baxay Salaadii Taraawiixda […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo xalay koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku dhaawacay Madaxii hawl-gelinta ciidanka Isku dhafka ah ee Gobolkaas.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho  ayaa u sheegay in Gaashaanlle dhexe Khaliif Nuur Shiil la dhaawacay xili uu ka soo baxay Salaadii Taraawiixda oo uu kusoo tukaday Masjid ku yaalla Koonfurta Gaalkacyo.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in dhowr rasaas ah lagu furay Sarkaalka,isla markaana uu soo gaaray dhaawac culus,waxaana loo qaaday Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo,halkaasi oo haatan lagu dabiibayo xaaladiisa Caafimaad.

Kooxihii ka dambeeyay falkaasi ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxaana halkaasi durbo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada,iyagoona ka sameeyay howlgalo lagu raadinayo ragii fuliyay falka.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Mudug oo ku aadan dhaawacii xalay loo geystay Gaashaanlle dhexe Khaliif Nuur Shiil oo ah Madaxii hawl-gelinta ciidanka Isku-dhafka ah ee Gobolka Mudug.

- Advertisement -

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories