HomeWararDuullimaadyadii Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi oo la hakiyay ilaa bisha August

Duullimaadyadii Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi oo la hakiyay ilaa bisha August

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Inakstoo aysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ka hadlin Xayiraadda la saaray Duullimaadyadii isaga kala gooshi jirey Nairobi iyo Muqdisho, haddana Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duullimaadka Rayidka Kenya, Kabtan Gilbert  Kibe oo la hadlay Wargeeyska The Nation ayaa sheegay  in sababo dhanka Ammaanka loo joojiyey Duullimaadyadii Diyaaradaha ee sida tooska ah uga dhex shaqeyn jirey Nairobi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Inakstoo aysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ka hadlin Xayiraadda la saaray Duullimaadyadii isaga kala gooshi jirey Nairobi iyo Muqdisho, haddana Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duullimaadka Rayidka Kenya, Kabtan Gilbert  Kibe oo la hadlay Wargeeyska The Nation ayaa sheegay  in sababo dhanka Ammaanka loo joojiyey Duullimaadyadii Diyaaradaha ee sida tooska ah uga dhex shaqeyn jirey Nairobi iyo Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku daray in Duullimaadyadda la hakinayo ilaa bisha August 9-da, markaasi oo Dib-u-eegis lagu samayn doono, lana qaadan doono Go’aano ku aadan in Duullimaadyadda dib loo bilaabo iyo inay sii xayirnaadaan.

- Advertisement -

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duullimaadyadda Rayidka ee DFS waxay Jimcihii la soo dhafaay ka codsatay Dowladda Kenya inay dib uga fekeraan Go’aankaasi, kaasi oo xumayn kara xiriirka xooggan ee labada waddan.

Sannadkii 2016-kii, ayey Dowladda Kenya xayiraad ku soo rogtay Duullimaadyadii Nairobi iyo Muqdsisho, waxaana Diyaaradaha ka ambabaxa Somalia lagu amray in ay ku degaan Garoonka Degmadda Wajeer, ka hor inta aysan u gudbin Nairobi.

Dowladaha Somalia iyo Kenya waxay bishii September ee sannadkii 2016-kii kala saxiixdeen Heshiis lagu qaaday Xayiraadaasi, kadib, markii aad loo xoojiyey Ammanaka Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaaatee, Xayiradda ay Kenya ku soo rogtay Duullimaadyadii Tooska ee Lbaada caasimadood ayaa waxaa la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay Khilaafka Siyaasadeed iyo Muranka Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya, iyadoo Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ la filayo inay bisha September dib u bilowdo dhegeysiga Muranka Xuduud-baddeedka oo ay Dowladda Kenya sannadkii 2016-kii ku fashilantay inay keento caddaymaheeda Lahaanshaha Xuduud-baddeedka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts