HomeWararDuullimaadyadii Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi oo la hakiyay ilaa bisha August

Duullimaadyadii Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi oo la hakiyay ilaa bisha August

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Inakstoo aysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ka hadlin Xayiraadda la saaray Duullimaadyadii isaga kala gooshi jirey Nairobi iyo Muqdisho, haddana Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duullimaadka Rayidka Kenya, Kabtan Gilbert  Kibe oo la hadlay Wargeeyska The Nation ayaa sheegay  in sababo dhanka Ammaanka loo joojiyey Duullimaadyadii Diyaaradaha ee sida tooska ah uga dhex shaqeyn jirey Nairobi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Inakstoo aysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ka hadlin Xayiraadda la saaray Duullimaadyadii isaga kala gooshi jirey Nairobi iyo Muqdisho, haddana Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duullimaadka Rayidka Kenya, Kabtan Gilbert  Kibe oo la hadlay Wargeeyska The Nation ayaa sheegay  in sababo dhanka Ammaanka loo joojiyey Duullimaadyadii Diyaaradaha ee sida tooska ah uga dhex shaqeyn jirey Nairobi iyo Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku daray in Duullimaadyadda la hakinayo ilaa bisha August 9-da, markaasi oo Dib-u-eegis lagu samayn doono, lana qaadan doono Go’aano ku aadan in Duullimaadyadda dib loo bilaabo iyo inay sii xayirnaadaan.

- Advertisement -

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duullimaadyadda Rayidka ee DFS waxay Jimcihii la soo dhafaay ka codsatay Dowladda Kenya inay dib uga fekeraan Go’aankaasi, kaasi oo xumayn kara xiriirka xooggan ee labada waddan.

Sannadkii 2016-kii, ayey Dowladda Kenya xayiraad ku soo rogtay Duullimaadyadii Nairobi iyo Muqdsisho, waxaana Diyaaradaha ka ambabaxa Somalia lagu amray in ay ku degaan Garoonka Degmadda Wajeer, ka hor inta aysan u gudbin Nairobi.

Dowladaha Somalia iyo Kenya waxay bishii September ee sannadkii 2016-kii kala saxiixdeen Heshiis lagu qaaday Xayiraadaasi, kadib, markii aad loo xoojiyey Ammanaka Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaaatee, Xayiradda ay Kenya ku soo rogtay Duullimaadyadii Tooska ee Lbaada caasimadood ayaa waxaa la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay Khilaafka Siyaasadeed iyo Muranka Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya, iyadoo Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ la filayo inay bisha September dib u bilowdo dhegeysiga Muranka Xuduud-baddeedka oo ay Dowladda Kenya sannadkii 2016-kii ku fashilantay inay keento caddaymaheeda Lahaanshaha Xuduud-baddeedka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts