HomeWararSawirro:-Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Magaalada Garoowe

Sawirro:-Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa Goordhow waxaa gaaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo. Madaxweyne Xaaf iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi. Madaxweynaha Galmudug ayaa […]

- Advertisement -

Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa Goordhow waxaa gaaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweyne Xaaf iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

- Advertisement -

Madaxweynaha Galmudug ayaa Garoowe waxaa uu kaga qeyb galayaa Shir wadatashi ah oo halkaasi uga furmi doono Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku sugan oo gaaray Madaxda maamulada sida Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle,waxaana sidoo kale ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in Maanta halkaasi uu gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi Farmaajo si uu uga qeyb galo Shirka wadatashiga ah ee isugu yeeray Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories