HomeWararRag loo heysto Dilka Saraakiil ka tirsanaa Somaliland oo gacanta lagu dhigay

Rag loo heysto Dilka Saraakiil ka tirsanaa Somaliland oo gacanta lagu dhigay

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska maamulka Somaliland ayaa howlgal  waxa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Saraar ee Somaliland. Ciidamada ayaa howlgalka waxa ay kusoo qabteen 8 ruux oo ay ku jiraa 4 qof oo sida la sheegay looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen Dil todobaadkii la soo dhaafay degmada Gar’adeg ee Gobolka Sanaag […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska maamulka Somaliland ayaa howlgal  waxa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Saraar ee Somaliland.

Ciidamada ayaa howlgalka waxa ay kusoo qabteen 8 ruux oo ay ku jiraa 4 qof oo sida la sheegay looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen Dil todobaadkii la soo dhaafay degmada Gar’adeg ee Gobolka Sanaag loogu geystay Gaashaanlle Cabdullaahi Axmed Taallan iyo  Taliye kuxigeenkii Ciidanka Booliska degmadaas laba xidigle Nuur Aw Cali.

- Advertisement -

Sidoo kale Ciidamada ayaa howlgal kusoo qabtay 4 kamid ah gaadiidkii iyo qoryihii ay wateen ragga looga shakisan yahay falkii dilka ahaa ee ka dhacay degmada Gar’adeg,sla markaana waxaa lagu soo waramayaa in weli howlgalka uu socdo.

Degmada Gar’adeg oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa todobaadkii la soo dhaafay kooxo hubeysan waxa ay ku dileen Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Asluubta maamulka Somaliland,waxaana Madaxweyne Muuse Biixi uu xaalad deg deg ah kusoo rogay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories