HomeWararMareykanka oo qirtay inay dad rayid ah ku dileen Duqeyn Somalia ka...

Mareykanka oo qirtay inay dad rayid ah ku dileen Duqeyn Somalia ka dhacday sanadkii hore

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Milliteriga Maraykanka waxay markii ugu horeysay qirteen inay duqeymaha ka socda Somalia ay ku dileen dad rayid ah, kadib, sannado ay beenin jireen.

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika ee AFRICOM waxay shalay subax soo saareen Hadal-qoraal oo ay ku sheegeen inay si lama filaan ahayd ugu dileen haweeney iyo ilmo yar duqeyn bishii April 1-dii ee sannadkii hore ka dhacay Nawaaxiga magaalladda Ceel-buur ee Bartamaha Somalia.

- Advertisement -

AFRICOM waxay sheegtay inaysan xilligaasi shaacinin in labada qof oo rayid ahaa lagu dilay duqeyntaasi, balse waxay sheegeen inay dadkaasi rayidka ah la socdeen gaari ay 4 Dagaalamayaal Alshabaab ah la socdeen, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Laakiin, Qirashadaasi ayaa timid hal bil kadib, markii uu Hoggaaminta AFRICOM ka hor sheegeen Golaha Kongareeska Maraykanka inaysan dad rayid waxyeello ka soo gaarin duqeymaha ay ka wadaan Somalia.

Hadalka Taliska AFRICOM waxa kale oo uu ku soo beegmay, iyadoo Warbixin ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International soo saartay bishii la soo dhaafay ee March 20-da ku sheegtay in ugu yaraan 14 qof o orayid ah lagu dilay Duqeymaha Maraykanka ka fuliyeen Somalia.

- Advertisement -

Laakiinse, AFRICOM wey beeniyeen Warbixintaasi, iysago osheegay inay dib u eegis ku samayn doonaan eedeynta Warbixinta Amnesty International.

Dhinaca kale, Agaasimaha Hawlgalladda Milliteri ee AFRICOM,  Jeneral Gregg Olson oo ay Suxufiyiinta la xiriireen 90 daqiiqo kadib Hadal-qoraalka ee AFRICOM ka soo baxay waxa uu tilmaamay inuu Taliskiisa weli ku guda-jiro Dib-u-eegista khasaaraha dadka rayidka ka soo gaaray duqeymahaasi, isla markaana haddii ay helaan faahfaahino dheeraad ah ay si daah-furnaan leh u shaacin doonaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sheegashadda AFRICOM ee ay 2 qof o orayid ah ku dileen duqeyntii bishii April koowdeedii ee sannadkii hore ka dhacay Ceel-buur uusan ku jirin Warbixintii ay Amnesty International ku soo bandhigtay tirada dadkii rayidka ee lagu dilay duqeymaha Maraykanka ee dhacay sannadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, AFRICOM waxay shaaciyeen inay 28 Duqeyn Diyaaradeed ka fuliyeen Somalia saddexdii bilood ee ugu horreysay sannadkan 2019-ka, halka wadarta guud ee duqeymahii ay fuliyeen ilaa sannadkii 2017-kii gaarayso  110 Duqeyn.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories