HomeWararSawirro:-Tartanka Oradka Gaaban oo Maanta lagu qabtay Muqdisho

Sawirro:-Tartanka Oradka Gaaban oo Maanta lagu qabtay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Tartankan Oradka Gaaban ee (Marathon) oo lagu xusayay maalinta horumarinta Ciyaaraha iyo Nabadda Aduunka iyo maalinta Ciyaartooday Soomaalliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Waxaa soo qabanqaabiyay Tarnkaan Wasaaradda Dhalanyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo uu martigeliyay maamulka Gobolkani Banaadir. Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalay Ciyaartooy laga soo kala xulay 17 degmo ee Gobolka Banaadir oo […]

- Advertisement -

Tartankan Oradka Gaaban ee (Marathon) oo lagu xusayay maalinta horumarinta Ciyaaraha iyo Nabadda Aduunka iyo maalinta Ciyaartooday Soomaalliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa soo qabanqaabiyay Tarnkaan Wasaaradda Dhalanyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo uu martigeliyay maamulka Gobolkani Banaadir.

- Advertisement -

Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalay Ciyaartooy laga soo kala xulay 17 degmo ee Gobolka Banaadir oo isugu jira wiilal iyo gabdho,kuwaasi oo soo bandhigay tartan cajiib ah,waxaana furitaanka goob joog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxmed Diiriye.

Kaalinta koowaad waxaa galay Cabdinuur Maxamed Garaad oo ka socday wiilasha degmada Kaaraan,halka kaalinta labaadna ay gashey Ikraan Maxamed Xuseen oo ka socotay gabdhaha degmada Boondheere.

Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ay wehliyaan masuuliyiinta Olombikada iyo Ciyaaraha ayaa dhiirogeliyay dhamaan dhalinyaradii ka qeybqaadatay.

- Advertisement -

tartanka oo sanadkiiba 5 April mar la qabto ayaa Soomaaliya lagu qabanaya sanadkii 2-aad tan iyo markii ay burburtay dowladii Dhexe ee Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories