HomeWararCarwo lagu soo bandhigayo wax soo-saarka Pakistan oo la qorsheynayo in lagu...

Carwo lagu soo bandhigayo wax soo-saarka Pakistan oo la qorsheynayo in lagu qabto Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ku-xigeenka U-qeybsanaha Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Pakistan, C/fataax C/qaadir Osman ayaa qorshahaasi ka sheegay mar uu la kulmay Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha ee magaalladda Lahoor ee dalkaasi, wuxuuna xusay in  in Carwo si khaas ahaan loogu soo bandhigayo qeybaha kala duwan ee wax-soo-saarka dalka Pakistan lagu qabto Muqdisho bisha June ee sannadkan. Ku-xigeenkaasi, […]

- Advertisement -

Ku-xigeenka U-qeybsanaha Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Pakistan, C/fataax C/qaadir Osman ayaa qorshahaasi ka sheegay mar uu la kulmay Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha ee magaalladda Lahoor ee dalkaasi, wuxuuna xusay in  in Carwo si khaas ahaan loogu soo bandhigayo qeybaha kala duwan ee wax-soo-saarka dalka Pakistan lagu qabto Muqdisho bisha June ee sannadkan.

Ku-xigeenkaasi, waxa uu carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay inay labada Waddan yeeshaan Ganacsi toos ah, si ay ugu wada macaashaan, isago odhanka kale xusay in xilligan Badeecadaha dalka Pakistan ay Somalia ka soo galaan dalal kale.

- Advertisement -

Sidoo kale, Ku-xigeenka U-qeybsanaha Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Pakistan, C/fataax C/qaadir Osman waxa uu xusay inay tiro badan oo Soomaaliya wax ku bartaan dalka Pakistan, isla markaana ay 25 xubnood oo ka soo qalin jebisay Jaamacadaha Pakistan ay xilligan xubno ka yihiin Barlamaanka Federalka Somalia.

Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha ee magaalladda Lahoor ee dalka Pakistan, Fahiimul-raxmaan Saygal o oka hadlay Kulankaasi waxa uu sheegay inay leeyihiin Awoodda dalabka Ganacsatadda Soomaaliyeed, sida qalabka guryaha, Korontadda, Mootooyinka, Balaastikadda iyo xirmooyin kale ee Badeecadaha.

Si kastaba ha ahaatee,  Ganacsatadda Pakistan waxay Somalia u soo dhoofiyaan Bariiska, Sonkorta, wax-soo-saarka Daawooyinka iyo qalabka Caafimaadka, iyadoo is-dhaafsiga Badeecadaha ee labada waddan sare u kacay, isla markaana  uu gaaray 57.7 million oo Dollar.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories