HomeWararCiidanka Xoogga Dalka oo Al-shabaab kala wareegay deegaano hor leh

Ciidanka Xoogga Dalka oo Al-shabaab kala wareegay deegaano hor leh

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa Faahfaahin ka bixiyay Howlgalo Ciidanka Xoogga Dalka ay kula wareegeen Deegaanka Baladul Amiin iyo deegaano kale. “Howlgalada sidii loo qorsheeyay ayay u dhaceen, Saaka waxaan la wreegnay Deegaanka Baladul Amiin, waxaan sidoo kale Al-shabaab shalay ka saarnay Cumar Beer oo aheyd Meel ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa Faahfaahin ka bixiyay Howlgalo Ciidanka Xoogga Dalka ay kula wareegeen Deegaanka Baladul Amiin iyo deegaano kale.

“Howlgalada sidii loo qorsheeyay ayay u dhaceen, Saaka waxaan la wreegnay Deegaanka Baladul Amiin, waxaan sidoo kale Al-shabaab shalay ka saarnay Cumar Beer oo aheyd Meel ay dhigtaan Hantida ay ka dhacaan shacabka, Sabiib iyo Caanoole waxaan la wareegnay shalay Galinkii dambe, way iska cararayaan marka uu howlgal bilowdo, dad awood leh oo dagaalami kara maaha”.ayuu yiri Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab.

- Advertisement -

Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Gaadiid ay lahaayeen Al-shabaab iyo Dukumiintiyo.

“Waxay ka tageen oo aan gacanta ku dhignay Dukumiintiyo ay baad kaga qaadi jireen Shacabka iyo Gaadiid ay ka carareen, sidoo kale Gaadiid ay qaraxyo ku buuxiyeen ayaan qarxinay Ciidanka ayaana ku daba jira”.ayuu yiri

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa sidoo kale sheegay in Howlgalo ay ka sameeyeen Deegaanada ay kala wareegeen Al-shabaab ay kusoo arkeen Hormar la’aan dhinaca Waxbarashada, Biyaha iyo Nolosha qeybaheeda kala duwan.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts