HomeWararMaleeshiyo Soomaali ah oo lagu dilay Koonfurta dalka Yemen

Maleeshiyo Soomaali ah oo lagu dilay Koonfurta dalka Yemen

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Milliteriga Dowladda Yemen waxay shalay oo Isniin ah shaaciyeen inay dileen tiro dad asalkooda Afrikaan yahay, kuwaasi oo  u dagaalamayey Maleeshiyadda Xuutiyiinta. Shabakadda Wararka Milliteriga Yemen ee 26sepnews.net ayaa qortay inay 267 Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Xuutiyiintiyiinta ee ay Dowladda Iiraan taageerto ku dileen dagaal shantii maalmood ee la soo dhaafay ka socday aagaga dagaalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Milliteriga Dowladda Yemen waxay shalay oo Isniin ah shaaciyeen inay dileen tiro dad asalkooda Afrikaan yahay, kuwaasi oo  u dagaalamayey Maleeshiyadda Xuutiyiinta.

Shabakadda Wararka Milliteriga Yemen ee 26sepnews.net ayaa qortay inay 267 Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Xuutiyiintiyiinta ee ay Dowladda Iiraan taageerto ku dileen dagaal shantii maalmood ee la soo dhaafay ka socday aagaga dagaalka ee Degmooyinka Mariis iyo Damat ee Waqooyiga Gobalka Al-daalac (الضالع) ee Koonfurta dalkaasi.

- Advertisement -

Afhayeen u hadlay Milliteriga Dowladda Yemen ayaa tilmaamay inay Maleeshiyadda Xuutiyiinta noqdeen kuwo la dilay, kuwo la dhaawacay iyo qaar dib u gurtay iyo kuwa kala firxaday, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay dileen 167 ka tirsan Maleeshiyadda Xuutiyiinta iyo Taliye la oran jirey Ibraahim Cali iyo 30 qof oo Soomaali ah oo ka barbar dagaalamaysay Xuutiyiinta, halka 100 kalena lagu dhaawacay.

Shabakadda Wararka ee Milliteriga Dowladda Yemen ee 26sepnews.net  waxay kaloo qortay in dagaalkaasi lagu burburiyey Taangiyo iyo gawaari Tekniko ah oo ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ku soo dagaal galeen.

- Advertisement -

Goobjooge la hadlay Shabakadda 26sepnews.net ayaa sheegay in 7 ka tirsan maydadka Maleeshiyadda Xuutiyiinta lagu aasay  Tuulladda Al-axraam ee Degmadda Damat, halka tobaaneeyo kale lagu aasay qeybo ka tirsan Gobalka Al-daalac (الضالع)  ee Koonfurta dalkaasi.

 

Xigasho: 26sepnews.net

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts