HomeWararSawirro:-Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Somalia

Sawirro:-Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Somalia

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan kula qaatay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafti ballaaran o uu hogaaminayo. Kulanka uu Madaxweynaha Puntland la qaatay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Amniga […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan kula qaatay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafti ballaaran o uu hogaaminayo.

Kulanka uu Madaxweynaha Puntland la qaatay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta

- Advertisement -

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Cabdisemed Maxamed Galan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31 Maarso 2019 booqasho ku yimid Boosaaso safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Ambassador Yamamoto isaga oo la kulmay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda”.

- Advertisement -

“kulankaas oo looga wada-hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani aadan-tinimada, waxaa si qoto dheer looga wada-hadlay loogana falanqooday taageerada dalka maraykanku siiyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee la xiriira taageerada dhanka amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka, shirkaas waxaa uu ku soo dhamaaday is afgarad iyo jawi wanaagsan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories