HomeWararMukhalasiin Soomaali la sheegay inay dadka ka tahriibin jirtey Kenya oo la...

Mukhalasiin Soomaali la sheegay inay dadka ka tahriibin jirtey Kenya oo la qabtay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Sida aynu ka soo xiganay Warbaahinta dalkaasi waxay Baarayaasha Hay’adda Dembi-baarista gacanta ku dhigeen 2 Eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay dadka tahriibin jireen iyo inay samayn jireen Dukumentiyadda Socdaalka oo la been abuuray. Labada nin ee lagu eedeynayo falkaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Ismaaciil Ibraahim iyo Cali Ibraahim Barrow waxaa shalay laga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sida aynu ka soo xiganay Warbaahinta dalkaasi waxay Baarayaasha Hay’adda Dembi-baarista gacanta ku dhigeen 2 Eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay dadka tahriibin jireen iyo inay samayn jireen Dukumentiyadda Socdaalka oo la been abuuray.

Labada nin ee lagu eedeynayo falkaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Ismaaciil Ibraahim iyo Cali Ibraahim Barrow waxaa shalay laga soo qabtay Hotel ku yaalla Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

Hay’adda Dembi-baarista Kenya ee DCI  waxay sheegtay inay baaritaano kadib  gacanta ku soo dhigeen dhowr Baasabooro Somalia, Kenyan iyo Ethiopian oo la been abuuray, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Baarayaasha waxay tuhunsan yihiin inay labadaasi Eedeysane qeyb ka yihiin  shabakad ka shaqeysa in dadka Muhaajiriinta ee Gobalka loo tahriibiyo dalal kale, waa sida ay hadalka u dhigeen..

Dhinaca kale, Boliska Kenya waxay gacanta ku hayaan 5 qof o oshisheeye ah oo uu ku jiro Wiil Soomaali ah, kuwaasi oo dhamaystay Xabsi horey loogu xukumay.

- Advertisement -

Dadkaasi lagu hayo Saldhiga  Boliska Kasaraani ee magaalladda Nairobii ayaa kala ah 3 u dhalatay dalka Ruwanda, mid u dhashay Somalia iyo mid ka soo jeeda dalka UK, kuwaasi oo lagu wado in loo soo  masaafuriyo dalalka ay ka soo kala jeedaan.

Wiilka Soomalaiga oo 15-jir ah ayaa la sheegay inuu ku dhashay  Degmadda Garissa ee W/Bari Kenya, isla markaana aanu weligiisa cagta soo dhigin dalka Somalia.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts