HomeWararMukhalasiin Soomaali la sheegay inay dadka ka tahriibin jirtey Kenya oo la...

Mukhalasiin Soomaali la sheegay inay dadka ka tahriibin jirtey Kenya oo la qabtay

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Sida aynu ka soo xiganay Warbaahinta dalkaasi waxay Baarayaasha Hay’adda Dembi-baarista gacanta ku dhigeen 2 Eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay dadka tahriibin jireen iyo inay samayn jireen Dukumentiyadda Socdaalka oo la been abuuray.

Labada nin ee lagu eedeynayo falkaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Ismaaciil Ibraahim iyo Cali Ibraahim Barrow waxaa shalay laga soo qabtay Hotel ku yaalla Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

Hay’adda Dembi-baarista Kenya ee DCI  waxay sheegtay inay baaritaano kadib  gacanta ku soo dhigeen dhowr Baasabooro Somalia, Kenyan iyo Ethiopian oo la been abuuray, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Baarayaasha waxay tuhunsan yihiin inay labadaasi Eedeysane qeyb ka yihiin  shabakad ka shaqeysa in dadka Muhaajiriinta ee Gobalka loo tahriibiyo dalal kale, waa sida ay hadalka u dhigeen..

Dhinaca kale, Boliska Kenya waxay gacanta ku hayaan 5 qof o oshisheeye ah oo uu ku jiro Wiil Soomaali ah, kuwaasi oo dhamaystay Xabsi horey loogu xukumay.

- Advertisement -

Dadkaasi lagu hayo Saldhiga  Boliska Kasaraani ee magaalladda Nairobii ayaa kala ah 3 u dhalatay dalka Ruwanda, mid u dhashay Somalia iyo mid ka soo jeeda dalka UK, kuwaasi oo lagu wado in loo soo  masaafuriyo dalalka ay ka soo kala jeedaan.

Wiilka Soomalaiga oo 15-jir ah ayaa la sheegay inuu ku dhashay  Degmadda Garissa ee W/Bari Kenya, isla markaana aanu weligiisa cagta soo dhigin dalka Somalia.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories