HomeWararSawirro:-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday Koox Burcad ah

Sawirro:-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday Koox Burcad ah

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Taliska  Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dadaal ugu jiray sidii la isugu furi lahaa waddooyinka gobalka Shabeelada Hoose oo la sheegay in dhaweydba in ay ka jireen cabashooyin ka imaanayay dadka ee la xiriira jid-gooyooyin ay dhigtaan rag ku labisan dareeska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Iyadoo taasi laga duulayay ayaa Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Odowaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska  Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dadaal ugu jiray sidii la isugu furi lahaa waddooyinka gobalka Shabeelada Hoose oo la sheegay in dhaweydba in ay ka jireen cabashooyin ka imaanayay dadka ee la xiriira jid-gooyooyin ay dhigtaan rag ku labisan dareeska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Iyadoo taasi laga duulayay ayaa Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Odowaa Yuusuf Raage waxa uu bilaabay nadiifinta waddada u dhaxeysa Aafgooye iyo Muqdisho.

- Advertisement -

Intii uu howlgalka siffeynta ah ku jiray ayuu la kulmay rag isugu  jiro shacab iyo Ciidan oo ku hubeysan hub kala duwan, waxa ayna Ciidamada xoogga dalka ka soo qabtaan shan ruux oo laba kamid ah yihiin Ciidan halka sedaxda kale ay ahaayeen caawiya-yaal hubeysan oo jidgooye u tiilay meel xooga u jirta Mukayga oo ah bar ciidamada dowaladdu leeyihiin taasi oo lagu hubiyo dadka isaga kala goosha halkaas.

Waxa ay shantan eedeysane isticmaalayeen farsamooyin  ay isugu ekeysiinayaan in ay yihiin ciidamo dowladdu u wakiilatay canshuur qaadis balse waxa ay ahaayeen burcad dhuumaaleysi ku joogay halkaasi, 05-01-2019 ayaa  la soo xiray dhammaan eedeysanayaasha, waxaa lagu wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa  uuna xafiiska codsaday 13-01-2019 in eedeysanayaasha la geeyo xabsiga dhexe gar-sug ahaan.

Muddo ayay  ku qaadatay Xafiiska  baarista kiiskan, waxa ayna 12-03-2019  codsadeen xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda, iyadoo  laba cisha kadib loo ballamay maxkamadeynta 1- s/le X Maxamed Cali Cabdi Cali Cibaar 2- S/a/le Maxamed Cismaan Camaleey 3- Cabdifitaax Cali Cabdullaahi  4- Axmed Cabdi Rooble  5-Maxamed Cumar Diini.

- Advertisement -

Xafiiska ayaa horkeenay  Maxkamadda Caddeymo ay kamid yihiin Booono been abuur ah,  sedax qoray AK, RPG, Bistoolad.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in raggan aysan kaliya ahayn burcad balse ay dadaal kasta ku bixiyeen dhacca dad-weynaha, waxa uu ka hor sheegay garsoorka in  dambiga ay galeen ay  ku dareen kala geynta shacabka iyo dowladda maadama ay sameysteen boono been abuur ah taasi oo kalifi kartay dadweynaha iyo dowladda in lagu kala fogeeyo, waxa uu ka codsaday garsoorayaahsa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Side in la mariyo ciqaab adag oo tusaale u noqota kuwa kale in aysan ku dhiiran farsamooyin nuucaas oo kala ah.

Abuukatayaasha u dooday eedeysanayaasha ayaa ku dooday in raggan  loo naxariisto lana mariyo ciqaab dishibliin oo aysan maxkamadda ku fogeyn xukunka.

Doodda dhinacyada dacwadda oo waqti badan qaadatay caddeymaha la horkeenay Maxkamadda iyo qiraalka eedeysanayaasha kadib ayay ugu dambeyn go’aan ka gaartay Maxkamadda Darajada koowaad  eedeysanayaasha, waxa ayna kuwada xukuntay min (8)-Sideed sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanayaahsa aya heysta fursad ay ku dalban karaa Rafcaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts