HomeWararMeydadka rag Soomaali ah oo laga helay Kenya

Meydadka rag Soomaali ah oo laga helay Kenya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Maydadka 6 qof oo la rumeysan yahay inay Soomaali yihiin ayaa laga helay meel ku dhow goob lagu hayo Duur-joogta oo lagu magacaabo Tsavo National Park oo Hal Kiilomitir u jirta Waddada weyn ee isku xirta magaallooyinka Nairobi iyo Mombasa Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray  in ilaalo ka tirsan Ciiddanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maydadka 6 qof oo la rumeysan yahay inay Soomaali yihiin ayaa laga helay meel ku dhow goob lagu hayo Duur-joogta oo lagu magacaabo

Tsavo National Park oo Hal Kiilomitir u jirta Waddada weyn ee isku xirta magaallooyinka Nairobi iyo Mombasa

- Advertisement -

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray  in ilaalo ka tirsan Ciiddanka Duur-joogta ay heleen maydadkaasi, kadib, markii ay dareemeen ur xun.

Maydadka ayaa la sheegay inaysan wax dhar ah wadanin iyo inaysan wax Dukumenti Aqoonsi ah haysanin.

Sida laga soo xigtay Boliska waxay sheegeen inay u muuqato in maydadka lixda nin ee Soomaalida  lagu soo dilay meel kale, isla markaana maydadkooda la soo dhigay goobta laga helay.

- Advertisement -

Ilo ka tirsan Boliska Kenya oo booqday goobta lagu arkay maydadkaasi ayaa waxay u sheegeen Wargeyska The Nation inay maydadka u muuqdeen dhallinyaro asal ahaan Soomaali ka soo jeeda.

Maydadka ayaa la sheegay in la dhigay qeybta lagu kaydiyo maydadka ee Isbitaalka Makindu, si baaritaan loogu sameeyo, loona aqoonsado dhalashadooda.

Warar ayaa sheegaya in maydadka la gubay, laguna soo tuuray goob bulaacad ah oo ku taalla halka laga helay maydadkaasi.

Taliyaha Boliska Gobalka Makueni ee Bariga Kenya, Maxamed Maalim waxa uu ugu baaqay qof kasta oo ehel la ah Marxuumintaasi inay soo wargeliyaan Isbitalka la dhigay maydadka.

Waxa uu tilmaamay inay Boliska fureen faylka baaritaanka Kiiskaasi.

 

Xigasho: Nation, Kenya

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts