HomeMaqalDhageyso:-Ciidamo ka tirsan Militeriga Somalia oo shaaciyay inay Difaacyada ka soo bixi...

Dhageyso:-Ciidamo ka tirsan Militeriga Somalia oo shaaciyay inay Difaacyada ka soo bixi doonaan

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Qaar kamid ah Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Difaaca uga jira Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay ka soo bixi doonaan halkaasi,kadib markii ay soo wajahday Mushaar la’aan. Ciidamada oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in Muddo 5-sano ah ay joogeen Degmada Baraawe aysan helin xuquuqda Mushaaraadkooda iyo raashinkii […]

- Advertisement -

Qaar kamid ah Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Difaaca uga jira Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay ka soo bixi doonaan halkaasi,kadib markii ay soo wajahday Mushaar la’aan.

Ciidamada oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in Muddo 5-sano ah ay joogeen Degmada Baraawe aysan helin xuquuqda Mushaaraadkooda iyo raashinkii ay u baahnaayeen,isla markaana ay la kulmeen dhibaatooyin badan.

- Advertisement -

Sidoo kale Ciidamada ayaa tilmaamay in 4-tii Bilood ee la soo dhaafay aysan qaadan wax Mushaar ah iyo raashin inta badan,iyagoona xusay in aysan difaacyada kusii jiri karin.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayay ugu baaqeen in muddo saddex maalin ah ay kaga soo jawaabaan Codsigooda,hayeeshee hadii kale ay dib ugu laaban doonaan goobihii Marka horey ay ka yimideen.

Cabashadaan ka soo yeertay qaar kamid ah Ciidamada Militeriga Soomaaliya eek u sugan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo aadeysa,iyadoo dhawaan Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay Mushaar la’aan uga soo baxeen deegaano dhowr oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana dowladda ay sheegtay inay ku howlan yihiin Diiwaangelinta Ciidamada.

- Advertisement -

 

Hoos ka Dhageyso Codka Qaar kamid ah Ciidamada Cabanaya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories