HomeMaqalDhageyso:-Duqa Muqdisho oo Gurigooda ku Wareejiyey Qoys Muddo laga heystay +Sawirro

Dhageyso:-Duqa Muqdisho oo Gurigooda ku Wareejiyey Qoys Muddo laga heystay +Sawirro

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay ilaalinta hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed, si looga hortago wax walba oo keeni kara Caddaalad darro. Guddooomiyaha ayaa furayaasha gurigooda ku wareejiyey qoyska Reer Axmed Xuseen Beexaani oo gurigooda ku yaalla degmada Shibis, gaar ahaan Isgoyska Beexaani […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay ilaalinta hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed, si looga hortago wax walba oo keeni kara Caddaalad darro.

Guddooomiyaha ayaa furayaasha gurigooda ku wareejiyey qoyska Reer Axmed Xuseen Beexaani oo gurigooda ku yaalla degmada Shibis, gaar ahaan Isgoyska Beexaani si sharci darro ah loogu haystay.

- Advertisement -

Eng. Yarisow waxuu ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda in meel looga soo wada jeesto wax walba oo caddaaladda wax u dhimaya, isla markaana aan loo dulqaadanayn in si sharci darro ah muwaadiniin Soomaaliyeed guryahooda looga qabsado.

“Maamulka Gobalka Banaadir waxuu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda, waxaa naga go’an in caddaalad aan ku shaqayno muddadii aan joognayna waad la socotaan inta shaqsi ee guryahoodii dib u helay, taasoo ina tusinaysa sida aan diyaarka ugu nahay ilaalinta hantida shacabka, maantana waa maalin kale oo noo suuragashay in Qoyska reer Axmed Beexaani ay gurigoodii dib u helaan”.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii u danbeeyey dib u habeyn ku sameeyey waaxaha dhulalka Gobolka Banaadir, si loo ilaaliyo isla markaana loo hubiyo sharciyada saxda ah ee guryaha, loogana fogaado in si sharci darro ah lagu qaato guryo ay leeyihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Hoos ka Dhageyso Codka Duqa Muqdisho kana Daawo Sawiradda.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts