HomeWararAabe Soomaali oo goobjoog u ahaa Toogashadda wiilkiisa ee dhacay Masjid ku...

Aabe Soomaali oo goobjoog u ahaa Toogashadda wiilkiisa ee dhacay Masjid ku yaalla New Zealand

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Aadan Ibraahim Diiiriye oo ka badbaaday Weerarkii Argagixisadda ee Jimcihii la soo dhafaay ka dhacay Masaajid ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka NZ ayaa sheegay inuu goobjoog u ahaa markii uu wiilkiisa yar ku geeriyoonayey Weerarkaasi. Aabahaasi oo Wareys siiyey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa ka sheekeeyey qaabkii uu Ninkii Argagixisadda ahaa […]

- Advertisement -

Aadan Ibraahim Diiiriye oo ka badbaaday Weerarkii Argagixisadda ee Jimcihii la soo dhafaay ka dhacay Masaajid ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka NZ ayaa sheegay inuu goobjoog u ahaa markii uu wiilkiisa yar ku geeriyoonayey Weerarkaasi.

Aabahaasi oo Wareys siiyey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa ka sheekeeyey qaabkii uu Ninkii Argagixisadda ahaa  rasasata u huwiyey dadkii Muslimiinta ee ku sugnaa Masjidka Al-nuur ee magaalladda Christchurch ee dalka NZ.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inuu Gacan-ku-dhiiglaha madaxa ka toogtay wiilkisa oo 3 sanno iyo bar jir ahaa, kaasi oo isaga dhinac fadhiyey Masjidka oo xilligaasi socotay Khudbadii Salaadda Jimcaha.

Aadan Ibraahim Diiiriye waxa u uaabe u ahaa wiilka la dilay oo lagu magacabi jirey Mucaad Aadan Ibraahim, kaasi oo noqday qofkii ugu da’da yaraa 50-kii qof ee Muslimiinta ee lagu dilay Toogashadaasi.

Aabaha waxa uu tilmaamay inuu wiilkiisa dhulka ku dhacay, markii la toogtay, wuxuuna xusay inuu rumeysan  yahay inay Qadar Alle ku dhacday arrintaasi.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu tilmamaay inuu isagu ka badbadaay Toogashadaasi , kadib, markii uu iska qariyey Gacan-ku-dhiiglihii dadka toogtay bishan March 15-dii.

Gacan-ku-dhiiglihii falkaasi geystay oo, lagu magacaabo Brenton Tarrant una dhashay dalka Australia ayaa la Xabsiga sida xooggan loo ilaaliyo ee ku yaalla magaalladda Auckland ee dalka New Zealand.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories