HomeWararMareykanka oo beeniyey inay dad rayid ah ku dileen duqeymaha ka dhaca...

Mareykanka oo beeniyey inay dad rayid ah ku dileen duqeymaha ka dhaca Somalia

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Milliteriga Maraykanka waxay maanta oo Arbaco ah sheegeen inaysan dad rayid ah ku dilin Duqeymaha Diyaaradeed ee taageeradda dadaalka Caalamiga ee lagu wiiqayo Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen. Hadal-qoraal oo ka soo baxayTaliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxaa lagu sheegay inay qaadanayaan Eedeymaha ku adaan khasaaraha dadka rayidka […]

- Advertisement -

Milliteriga Maraykanka waxay maanta oo Arbaco ah sheegeen inaysan dad rayid ah ku dilin Duqeymaha Diyaaradeed ee taageeradda dadaalka Caalamiga ee lagu wiiqayo Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Hadal-qoraal oo ka soo baxayTaliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxaa lagu sheegay inay qaadanayaan Eedeymaha ku adaan khasaaraha dadka rayidka ka soo gaara duqeymahaasi, isla markaana ay dib-u-eegis ku samayn doonaan Warbixinta Amnesty International ka soo saaray dadka rayidka ee lagu dilo Duqeymahaasi.

- Advertisement -

“AFRICOM waxay adeecaysaa Sharciga Colaadaha Hubeysan,isla markaana ay qaadi doonaan dhamaan tallaabooyinka dhinaca ammaanka ee lagu yareynayo khasaaraha rayidka iyo waxyeelladda kale” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay AFRICOM.

Milliteriga Maraykanka waxay sheegteen inay Somalia ka fuliyeen 110 weerar dhanka cirka tan iyo bishii June ee sannadkii 2017-kii, kuna dileen in ka badan 800 oo Dagaalamayaal Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Balse, ma jiraan warar ka madax bannaan sheegashadaasi.

- Advertisement -

Hadal-qoraalka ee ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa yimid, kadib, markii ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International shalay soo saartay warbixin ay ku sheegtay in 14 qof oo rayid ah ku geeriyootay, 8 klalena ku dhaawacmeen 5 weerar dhanka Cirka  oo ay Maraykanka ka qeybo ka tirsan Gobalka Sh/hoose muddadii u dhexeysay bishii October ee sannadkii 20117-kii ilaa bishii December ee sannadkii 2018-kii.

Warbixinta  cusub ee Amnesty International oo loogu magac daray Dagaalka Qarsoon ee gudaha Somalia “The Hidden War in Somalia” ayaa lagu sheegay inay DFS iyo dowladda Maraykanka ku guul-daraysteen inay baaritaano ku sameeyaan eedeymaha sheegaya in 14 qof oo rayid ah lagu dilay duqeymaha Maraykanka ka fuliyeen qeybo ka tirsan Gobalka Sh/hoose muddadii u dhexeysay bishii October ee sannadkii 20117-kii ilaa bishii December ee sannadkii 2018-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories