HomeWararMareykanka oo beeniyey inay dad rayid ah ku dileen duqeymaha ka dhaca...

Mareykanka oo beeniyey inay dad rayid ah ku dileen duqeymaha ka dhaca Somalia

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Milliteriga Maraykanka waxay maanta oo Arbaco ah sheegeen inaysan dad rayid ah ku dilin Duqeymaha Diyaaradeed ee taageeradda dadaalka Caalamiga ee lagu wiiqayo Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen. Hadal-qoraal oo ka soo baxayTaliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxaa lagu sheegay inay qaadanayaan Eedeymaha ku adaan khasaaraha dadka rayidka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Milliteriga Maraykanka waxay maanta oo Arbaco ah sheegeen inaysan dad rayid ah ku dilin Duqeymaha Diyaaradeed ee taageeradda dadaalka Caalamiga ee lagu wiiqayo Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Hadal-qoraal oo ka soo baxayTaliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxaa lagu sheegay inay qaadanayaan Eedeymaha ku adaan khasaaraha dadka rayidka ka soo gaara duqeymahaasi, isla markaana ay dib-u-eegis ku samayn doonaan Warbixinta Amnesty International ka soo saaray dadka rayidka ee lagu dilo Duqeymahaasi.

- Advertisement -

“AFRICOM waxay adeecaysaa Sharciga Colaadaha Hubeysan,isla markaana ay qaadi doonaan dhamaan tallaabooyinka dhinaca ammaanka ee lagu yareynayo khasaaraha rayidka iyo waxyeelladda kale” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay AFRICOM.

Milliteriga Maraykanka waxay sheegteen inay Somalia ka fuliyeen 110 weerar dhanka cirka tan iyo bishii June ee sannadkii 2017-kii, kuna dileen in ka badan 800 oo Dagaalamayaal Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Balse, ma jiraan warar ka madax bannaan sheegashadaasi.

- Advertisement -

Hadal-qoraalka ee ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa yimid, kadib, markii ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International shalay soo saartay warbixin ay ku sheegtay in 14 qof oo rayid ah ku geeriyootay, 8 klalena ku dhaawacmeen 5 weerar dhanka Cirka  oo ay Maraykanka ka qeybo ka tirsan Gobalka Sh/hoose muddadii u dhexeysay bishii October ee sannadkii 20117-kii ilaa bishii December ee sannadkii 2018-kii.

Warbixinta  cusub ee Amnesty International oo loogu magac daray Dagaalka Qarsoon ee gudaha Somalia “The Hidden War in Somalia” ayaa lagu sheegay inay DFS iyo dowladda Maraykanka ku guul-daraysteen inay baaritaano ku sameeyaan eedeymaha sheegaya in 14 qof oo rayid ah lagu dilay duqeymaha Maraykanka ka fuliyeen qeybo ka tirsan Gobalka Sh/hoose muddadii u dhexeysay bishii October ee sannadkii 20117-kii ilaa bishii December ee sannadkii 2018-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts