HomeWararDowladda Turkiga oo cambaaraysay Toogashadii uu Ninka Turkishka ka geystay Holland

Dowladda Turkiga oo cambaaraysay Toogashadii uu Ninka Turkishka ka geystay Holland

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga waxay si kulul u cambaareysay Toogashadii shalay ka dhacday magaalladda Utrechit ee Bartamaha dalka Holland ee lagu dilay 3 qof, kuna dhaawacmeen 9 kale. Hadal-qoraal oo ay Wasaaraddu soo saratay waxaa Tacsi loogu diray Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Toogashadaasi, waxayna Dowladda Turkiga sheegtay inay si buuxda u garab taagan […]

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga waxay si kulul u cambaareysay Toogashadii shalay ka dhacday magaalladda Utrechit ee Bartamaha dalka Holland ee lagu dilay 3 qof, kuna dhaawacmeen 9 kale.

Hadal-qoraal oo ay Wasaaraddu soo saratay waxaa Tacsi loogu diray Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Toogashadaasi, waxayna Dowladda Turkiga sheegtay inay si buuxda u garab taagan yihiin Dowladda iyo Dadka Reer Holland.

- Advertisement -

Sida laga soo xigtay Warbaahinta dalka Holland waxaa lagu sheegay in Ninka geystay Toogashadaasi u dhashay Turkiga, laguna magacaabo Gokmen Tanis, kaasi oo tacshiirad ku furay Tareen marayey Barxadda 24 October ee magaalladda Utrechit.

Toogashadaasi waxaa lagu dilay 3 qof, iyadoo 9 kalena lagu dhaawacay.

Eedeysanahaasi oo 37-jir ah kuna dhashay gudaha dalka Turkiga waxaa xalay gacanta ku dhigay Boliska,kadib, markii la go’doomiyey Dhismo uu ku dhuumaalaysanayey.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Saraakiil ka kala socda Dowladaha Holland iyo Turkiga ayaa la filayaa inay maanta kulan ku yeeshaan caasimadda Turkiga ee Ankara, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta Xiriirka labada dal iyo Iskaashiga.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories