HomeWararDEG DEG:-Dagaal xoogan oo saakay ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe

DEG DEG:-Dagaal xoogan oo saakay ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan tuulooyin  hoostaga Degmada Cadale ee Gobolkaas ayaa waxaa ay sheegayaan in sasakay waaberigii hore halkaasi uu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed. Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu si gaar ah uga socdo tuulo lagu magacaabo Bur-dheere oo hoostagta Degmada Cadale,waxaana […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan tuulooyin  hoostaga Degmada Cadale ee Gobolkaas ayaa waxaa ay sheegayaan in sasakay waaberigii hore halkaasi uu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu si gaar ah uga socdo tuulo lagu magacaabo Bur-dheere oo hoostagta Degmada Cadale,waxaana dagaalka la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay u sheegeen in dagaalkan uu yahay mid xoogan,isla markaana waxaa dhawaqa hubka laga maqlayaa deegaano ka fog halkaas.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo wamayaa in uu ka dhashay dagaalkaas oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dagaalka u dhexeeya labada maleeshiyo beeleed ayaa waxa uu taagan yhaay muddo 2 sano ah,waxaana horey u jiray dadaalo lagu doonayo in lagu dhexgalo labada dhinac,hayeeshee laguma guuleysan.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories