HomeWararSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha Jabuuti

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha Jabuuti

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu sameeyay Villa Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa ku caweeyay heeso iyo suugaan kala duwan oo xambaarsan dhambaallo soo dhawayn iyo walaaltinimo oo ay goobta ka qaadeen fanaaniinta Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti, kuwaas oo loogu talo galay soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga la socda.

- Advertisement -

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahallo lagaga arrinsanayo danaha ay wadaagaan labada dal iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya ku yeeshay Villa Soomaaliya.

Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Xasan, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed,  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan DFS.

Wafdiga reer Jabuuti ee la socda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Islaamka Mudane Muumin Xasan Barre, Wasiirka Arrimaha Bulshada Marwo Muna Cismaan Aadan, Taliyaha Amniga Qaranka Mudane Xasan Saciid Khayre, Maareeyaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Najiib Cali Daahir, Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan, Kuxigeenka Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Jabuuti Marwo Xasna Xummad Bilil iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Jabuuti.

- Advertisement -

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories