HomeWararDad lagu laayay Masaajid ku yaalla New Zealand

Dad lagu laayay Masaajid ku yaalla New Zealand

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Qof hubaysan oo weeraray masaajid ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaan wali gacanta lagu dhigin, booliiska ayaana ka digay ninkaas. Qof goob jooge ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay dad dhinteen. Booliiska ayaa dadka uga digay aagaas, waxaana la isku gadaamay oo ilaalo la geeyay iskuullada iyo isbitaallada. Dad goob […]

- Advertisement -

Qof hubaysan oo weeraray masaajid ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaan wali gacanta lagu dhigin, booliiska ayaana ka digay ninkaas.

Qof goob jooge ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay dad dhinteen. Booliiska ayaa dadka uga digay aagaas, waxaana la isku gadaamay oo ilaalo la geeyay iskuullada iyo isbitaallada.

- Advertisement -

Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in ay orad kaga baxsadeen rasaastii dhacaysay.

Muuqaal aan la xaqiijinin saxnimadiisa ayaa soo baxay, muuqaalkaasina wuxuu tilmaamaya ninka weerarka gaystay oo isduubaya isaga oo rasaas furaya.

Mohan Ibrahim oo ku sugnaa dhulka masjidka ayaa warbaahinta Herald ee dalka New Zealand u sheegay “n markii hore ay u qaateen in shanqartu ay koronto tahay, balse dadkii ayaa billaabay in ay kala yaacaan.

- Advertisement -

“Saaxiibbaday ayaa wali masaajidka ku jira”

“Saaxiibbaday ayaan wacayay balse waxaa jira kuwo aanaan wali is maqlin. Nolosha saaxiibbaday ayaan u baqayaa.”

Herald ayaa ku warramaya in qofka weerarka gaystay loo malaynayo in uu Australia u dhashay, kaas oo qoray ujeedadiisa.

Ninkaas ayaa sheegay in uu taageerayo afkaarta midigta fog iyo in uu ka soo horjeedo soo galootiga.

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay ka dhacday masaajidka Al Nuur oo ku yaalla bartamaha magaalada Christchurch.

Askarta ayaa sidoo kale fagaaraha Cathedral ka kexeeyay kumannaan carruur ah oo dhigayay mudaaharaad ay ku dalbanayaan in wax laga qabto isbadalka cimilada adduunka.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in dad laga daad gureeyay masaajid kale.

Saxafi la socda kooxda kubbadda kiriketka ee dalka Bangladesh oo hadda ku sugan New Zealand ayaa twitterka ku soo qoray in uu ka baxsaday masaajid ku yaalla agagaarka Hagley Park halkaas oo rasaas ka dhacayso.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories