HomeWararRa’iisul Wasaare Kheyre oo Maanta tegaya Magaalada Kismaayo

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Maanta tegaya Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa la filayaa in uu gaaro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Kismaayo ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda iyo Mas’uul kale oo ka tirsan Dowlada, iyadoo Saacadaha soo socda gaari doono halkaasi. Sidoo kale […]

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa la filayaa in uu gaaro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Kismaayo ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda iyo Mas’uul kale oo ka tirsan Dowlada, iyadoo Saacadaha soo socda gaari doono halkaasi.

- Advertisement -

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu waday in uu gaaro maalmihiin la soo Kismaayo,hayeeshee waxa uu uga baaqay ka qeyb galka Aaskii loo sameeyay Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo shalay lagu aasay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu gaaro Magaalada Kismaayo waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ugu sareysa maamulka Jubbaland oo ugu horeyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaas.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa dhawaan gaaray wafdi hordhac ah oo isugu jira Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo ilaaladiisa gaar ka ah ee Koofi Casta.

- Advertisement -

Ammaanka guud ee Magaalada Kismaayo ayaa saakay aad loo adkeeyay,waxaana la xiray inta badan Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyadda,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidamada Koonfi Casta,AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories