HomeWararHaweeney Soomaali oo walaalkeeda ku dishay dalka Kuwayt oo la xukumay

Haweeney Soomaali oo walaalkeeda ku dishay dalka Kuwayt oo la xukumay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wargeyska maalinlaha ee Al-anbaa  ee ka soo baxa caasimadda dalkaasi ee Kuwait City ayaa qoray in Haweeney Soomaali ah la soo taagay Maxkamadda Dembiyadda ee dalkaasi. Haweeneydaasi oo aan magaceeda la shaacinin ayaa la sheegay inay walaalkeeda mindi ku dishay bishii September 18-dii ee sannadkii hore. Maxkamaddu waxay ku xukuntay Haweeneydaas xabsi 4 sanno iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wargeyska maalinlaha ee Al-anbaa  ee ka soo baxa caasimadda dalkaasi ee Kuwait City ayaa qoray in Haweeney Soomaali ah la soo taagay Maxkamadda Dembiyadda ee dalkaasi.

Haweeneydaasi oo aan magaceeda la shaacinin ayaa la sheegay inay walaalkeeda mindi ku dishay bishii September 18-dii ee sannadkii hore.

- Advertisement -

Maxkamaddu waxay ku xukuntay Haweeneydaas xabsi 4 sanno iyo shaqo adag, kadib, markii ay ku caddaatay inay tooreey la dhacday walaalkeeda ilaa uu ka naf baxo.

Dhinaca kale, ilo dhanka Ammaanka ayaa u sheegay Wargeyska Al-anbaa in dhegeysiga dacwadaasi timid, kadib, markii  Xafiiska Dacwad-oogaha  dalkaasi u soo gudbiyey Maxkamadda Gal-dacwadeedka dilkaasi,

Haweeneyda dilka geysatay ayaa sheegtay inaysan doonaynin inay walaalkeeda disho, balse uu xanaaqu ka tan badiyey.

- Advertisement -

Wargeyska Alanbaa wax faahfaahin ah kama bixinin waxa ay isku qoonsadeen Haweeneydaasi iyo Walaalkeeda ay gacanteeda ku dishay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts