HomeWararNin u dhashay Malaysia oo aflagaadeeyey Islaamka oo la xukumay

Nin u dhashay Malaysia oo aflagaadeeyey Islaamka oo la xukumay

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Warbaahinta gudaha ee dalkaasi waxay sheegeen in maanta xukun lagu riday Nin kale oo Diinta Islaamka iyo Nebigeenna Suuban ee Muxumad Calayhi Salaatu Wasalaam ku aflagaadeeyey Baraha Bulshadda.

Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Maxamed Yazid  Kong C/llaahi oo 52-jir ah waxaa la xiray isbuucii hore, isagoo ku eedeysnaa 11-fal-dembiyeed.

- Advertisement -

Maxkamaddu waxay Eedeysanaha maanta oo Isniin ah ku xukuntay xabsi 7 bilood iyo ganaax lacageed oo dhan 2,455 Dollar.

Maxkmaddu waxay ku gacan-sayrtay rafcaan uu soo qortay Eedeysanaha oo xukunkiisa ah kii ugu dambeeyey ee la xukumo.

Eedeysanaha ay Maxkamaddu xukumay waxaa kan surwaalka Jeebniska Buluga xiran ee idinkaga muuqda shaashadda.

- Advertisement -

Tirada Muwaadiniinta Malaysia ee lagu helo Xadgudubka Xeerka Ciqaabta ee Sharciga Isgaasiinnta iyo Warbaahinta kale, kaasi oo la saxiixay sannadkii 1998-dii.

Boliska Malaysia waxay sheegeen inay heleen 929 Kiisas xad-gudubka, tan iyo markii la dhaqan geliyey Sharcigaasi.

Maamulayaasha dalkaasi waxay walaac xooggan ka qabaan in Hdaalladda Karaahida ah horseedi karto Dembiyadda Is-nacaybka, iyadoo ay Xiisad xooggan ka dhex jirto Muslimiinta iyo dadka aan Muslimka ahayn ee ku wada nool dalkaasi.

Bishan March 1-dii, Ururo aan dowli ahayn ayaa waxay dalka Malaysia ka dhigeen Dibadbax ay kaga soo horjeedeen Sawir-gacmeed ama Kartoon oo uu Nin u dhashay Shiinaha oo Baraha Bulshadda soo dhigay sawiro uu ku aflagaadeeyey Nebigeenna Muxamad Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Ninka Shiineeska oo lagu magacaabo Way Foo Sing oo 68-jir ah ayaa la sheegay inuu ilaa iyo haatan ku xiran yahay dalkiisa hooyo ee Shiinaha.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories