HomeWararRa'iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Kismaayo

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Kismaayo

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay. Wafdiga la socda Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda iyo Mas’uul kale oo ka dowlada,waxaana Garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga la socda Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda iyo Mas’uul kale oo ka dowlada,waxaana Garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa inta uu halkaasi ku sugan waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ugu sareysa maamulka Jubbaland oo ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaas.

Ammaanka guud ee Magaalada Kismaayo ayaa saakay aad loo adkeeyay,waxaana la xiray inta badan Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyadda,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidamada Koonfi Casta,AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland.

 

- Advertisement -

Filo Goordhow Sawirro iyo waxbixin kale oo ku saabsan Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Magaalada Kismaayo.

 

         

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories