HomeWararJawaari oo ka hadlay Geerida Wasiirkii hore ee Dastuurka Somalia

Jawaari oo ka hadlay Geerida Wasiirkii hore ee Dastuurka Somalia

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Sidoo kalena ah Xildhibaan Ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo dhawaan  ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Dalka isu taga imaaraadka Carabta, islamarkaana aas qaran shalay loogu sameeyay Magaaladda Muqdisho.

“Innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun, marxuumka rabi naxariistiisa haka waraabiyo,kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo ehelkii iyo qaraabadii iyo sidoo kale guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Allaha haka wada siiyo, anagana gadaashiisa Illaahey nama fidneeyo” Ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

- Advertisement -

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliiya ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee Wasiir Xoosh Jibriil uu kaalin wanaagsan kasoo qaatay Dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana dowr muuqda ku lahaa sidii Soomaaliya ay u yeelan laheyn dastuur ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

“Allaha u naxriistee marxuumka waxa uu ahaa muwaadin ay quluubtiisa ku weyn tahay  in dalkeenna uu horumar gaaro, islamarkaana aan gaarno horumar dowladnimo,isagoo inta uusan geeriyoon ka shaqeynayay howlaha dib u eegista iyo dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee dalka” ayuu hadalkiisa kusii daray Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Allaha ha u naxriistee Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dhawaan Magaaladda Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday, islamarkaana Aas qaran loogu sameeyay Magaaladda Muqdisho ayaa waxa uu ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya,isagoo Sidoo kale xilal kala duwan soo qabtay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories