HomeWararXal laga gaaray murankii ka taagnaa Suuqa Kalluunka ee Magaalada Boosaaso

Xal laga gaaray murankii ka taagnaa Suuqa Kalluunka ee Magaalada Boosaaso

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Iyada oo ay cakirneed xaaladda Suuqa Kalluunka ee Magaalada Boosaaso dibadbaxyo is xig-xigayna ay ka dhaceen labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa haatan waxaa muuqanaya in xal buuxa laga gaaray khilaafkii ka dhashay go’aanka maamulka Puntland ay ku xireen suuqaas kadib markii lagu eedeyay nadaafad xumo iyo falal amniga xilidi ku ah oo mararka […]

- Advertisement -

Iyada oo ay cakirneed xaaladda Suuqa Kalluunka ee Magaalada Boosaaso dibadbaxyo is xig-xigayna ay ka dhaceen labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa haatan waxaa muuqanaya in xal buuxa laga gaaray khilaafkii ka dhashay go’aanka maamulka Puntland ay ku xireen suuqaas kadib markii lagu eedeyay nadaafad xumo iyo falal amniga xilidi ku ah oo mararka qaar ka dhaca xaafadda uu ku yaal suuqa Kallunka.

Faarax Cawaash oo ah Wasiirka Kalluumaysiga ee Puntland ayaa Warbaahinta u sheegay in baraha bulshada la mariyay warar aan sax aheyn oo sida uu shaaciyay lagu khaldayo Bulshada isla markana goob kale oo ay ku ganacsan karaan loo diyariyay ganacsatada.

- Advertisement -

Wasiirka ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in goobtii hore ee ay dadku ku ganacsan jireen ay aheyd meel aan wanaagsaneyn wasaaradna ay hatan u diyaarisay suuq kale oo ay shaqa maalmeedkooda ku qabsadaan,isaga oo intaas raciyay in aan la dayici doonin dadka ganacsiga yar-yar leh.

Hadalka Wasiirka Kalluumaysiga Puntland ayaa ku soo aadaya xili labadii maalin ee la soo dhaafay magaalada Boosaaso ay ka dhacayeen dibadbaxyo ay dhigayeen dadkii laga kiciyay Suuqa Kallunka ee ku dhex yaal Dekadda Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories