HomeWararDowladda Burundi oo diidan in ay Ciiddankeeda kala baxdo Somalia

Dowladda Burundi oo diidan in ay Ciiddankeeda kala baxdo Somalia

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Ka-bixitaanka Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay horseeday Khilaaf Diplomaasiyadeed oo kale oo weli cakiran.

Tan iyo sannadkii 2007-dii, Hawlgalka AMISOM waxay dagaal kula jireen Dagaalamayaasha Alshabaab, iyadoo boqolaal ka tirsan Ciiddanka AMISOM lagu dilay Hawlgaladaasi.

- Advertisement -

Dalka Burundi oo Ciiddanka labaad ee ugu badan ka joogaan Somalia ayaa waxay ka biyo-diidsan yihiin Go’aankii Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ka soo baxay bishii December ee sannadkii hore, kaasi oo lagu go’aamiyey in 1,000 ka mid ah 5,400 Askari ee ka socota Burundi dib loogu celiyo dalkooda hooyo dabayaaqadda bishii la soo dhaafay ee Feberaayo ee sannadkan.

Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza waxa u uka hor yimid Qorshahaasi Daadgureynta, iyadoo Saraakiisha dalkaasi sheegeen inay taasi khatar ku tahay Amniga Gobalka, waxayna u dacwoodeen Ururka Midowga Afrika.

Inkastoo bishii Feberaayo 21-dii iyo 23-dii ay 400 oo Askari u dhalatay Burundi dib loogu celiyey dalkooda, haddana Dowladda Burundi waxay ilaa iyo hadda ka biyo diidsan tahay qorshaha lagu daad-gureyn lahaa 600 Askari ee ka mdi ah 1,000-kii Askari ee horey loo qooneeyey in dib loogu celiyo dalkooda hooyo.

- Advertisement -

Dhinaca kale, waxaa weli taagan Xiisad Diplomaasiyadeed oo ka dhashay Baaqii Madaxweynayayaasha Somalia iyo Burundi ku dalbadeen inay Madaxda Ururka Midowga Afrika isugu yimaadaan kulan Degdeg ah oo looga hadlayo Qorshaha Ciiddanka Burundi oo keliya looga daad-gureynayo Hawlgalka AMISOM.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories