HomeWararSawirro:-Meydka Haweeney Soomaali oo laga helay dhismo ku yaalla Mareykanka

Sawirro:-Meydka Haweeney Soomaali oo laga helay dhismo ku yaalla Mareykanka

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Boliska magaalladda San Diego ee Gobalka California ee dalkaasi ayaa sheegay inay maydka Haweeney Soomaali ah laga helay Dhismo ku yaalla Deegaanka ay Jaalliyadaha laga tiro badan yihiin ka deggaan yihiin Xaafadda City Heights ee magaalladdaasi Shaki xooggan ayaana laga muujiyey qaabka loo dilay Marxuumadaasi oo la oran jirey Muna Kuri oo 36-jir ahayd, waxayna […]

- Advertisement -

Boliska magaalladda San Diego ee Gobalka California ee dalkaasi ayaa sheegay inay maydka Haweeney Soomaali ah laga helay Dhismo ku yaalla Deegaanka ay Jaalliyadaha laga tiro badan yihiin ka deggaan yihiin Xaafadda City Heights ee magaalladdaasi

Shaki xooggan ayaana laga muujiyey qaabka loo dilay Marxuumadaasi oo la oran jirey Muna Kuri oo 36-jir ahayd, waxayna dhawaacyo xooggan kaga yaalleen qeybaha sare ee jirkeeda, iyadoo uu madaxeeda dhiig ka daadanayey.

- Advertisement -

Warbaahinta nbcsandiego.com ayaa qortay in maydka haweeneydaasi shalay subax laga helay sarriir dhex taalla dhismaha.

Haweeney la dhalatay Marxuumadda ayaa sheegtay inay tegtay guriga walaasheeda, isla markaana ay aragtay maydkeeda oo ay dhaawacyo xun ka muuqdeen.

Marxuumadda ayaa la tebay, kadib, markii ay sida caadada u ahayd ay Qoyskeeda booqan jirtey maalmaha Sabtida iyo Axadda ee fasax ka ah dalkaasi.

- Advertisement -

Qaar ka mid ah ehelka Marxuumadda ayaa isugu soo ururiyey hogeeda, iyadoo ay tiiraanyo ka muuqatay.

Qaar ka mid ah dadkii jeclaa Marxuumadda oo la hadlay Telefishinka News 8 waxay magaca Marxuumadda ku soo koobeen Muna Kuri.

Dhinaca kale, Saciid Cabdiyow oo ah Madaxa Jaalliyadda Soomaalida deggan Deegaanka ay Marxuumadda deganayd ayaa sheegay inay ahayd qof caan ka ah deggaanka.

Waxa uu tilmaamay inay Marxuumadda Muna Kuri degganad magaalladda San Diego muddo dhowr sanno, oo ay ku lahayd goob ganacsi, kana shaqeyn jirtey Xaruun maalintii lagu hayo Carruurta.

Si kastaba ha ahaatee, Baarayaasha Boliska San Diego ayaa loogu baaqay inay eegaan wax kasta oo caddayn ah ee ku aadan Fal-dembiyeedka lagu dilay Marxuumadaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories