HomeWararSawirro:-Dowladda Suudaan oo Codsi u dirtay maamulka Gobolka Banaadir

Sawirro:-Dowladda Suudaan oo Codsi u dirtay maamulka Gobolka Banaadir

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafallaah Mustafa. Guddoomiye Yarisow oo ugu hambalyeeyay Danjire Khalafallaah xilkan dhawaan loo soo magacaabay ayaa u sheegay in uu kala kulmayo Maamulka iyo shacabka Caasimadda soodhaweyn wanaagsan, muddada uu ku guda jiro gudashada waajibaadkiisa […]

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafallaah Mustafa.

Guddoomiye Yarisow oo ugu hambalyeeyay Danjire Khalafallaah xilkan dhawaan loo soo magacaabay ayaa u sheegay in uu kala kulmayo Maamulka iyo shacabka Caasimadda soodhaweyn wanaagsan, muddada uu ku guda jiro gudashada waajibaadkiisa Qaran.

- Advertisement -

Danjiraha dalka Suudaan ee Muqdisho ayaa codsaday in dib loo soo celiyo dhulkii xarunta u ahaa Safaaradda dalkiisa ee ay u qorshaysay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, arrinkaas oo uu aqbalay Guddoomiyaha Gobolku.

Sidoo kale, labada masuul ayaa isku afgartay in dib loo soo celiyo iskaashiga iyo xiriirka wada shaqeynayd ee ka dhaxeeyey Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo Khartoum, iyadoona la is-dhaafsanayo khibradaha iyo qorsheyaasha la xiriira ilaalinta deegaanka, xaqiijinta bilicda iyo baahinta adeegyada asaasiga ah.

Eng.Yarisow ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Suudaan kaalinta ay ka qaadataan waxbarashada dhallinta Soomaaliyeed, maadama dalkaas uu hooy u yahay kumannaan arday oo waxkabarta Jaamacadaha dalkaas, sidoo kalena macalimiin Suudaan u dhalatay ay bareyaal ka yihiin qaar ka mid ah xarummaha waxbarashada Caasimadda.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories