HomeWararBam gacmeed Caawa lagu weeraray Fariisin Ciidamada dowlada ku leeyihiin Muqdisho

Bam gacmeed Caawa lagu weeraray Fariisin Ciidamada dowlada ku leeyihiin Muqdisho

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Waxaa Caawa kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday Bam gacmeed lagu tuuray Fariisin Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Afaafka hore ee Masjidka Xaaji Yabarow ee ku yaalla degmada Boondheere,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa waxa ay u sheegeen in weerarka uu ku dhintay Darawal Mooto Bajaajle ahaa oo xiliga falka uu dhacayay goobta marayay,halka 2 ruux kalena oo shacab ahaa ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa weerarka kadib furay rasaas xoogan,iyadoona durbo goobta ay si deg deg ah uga baxsadeen ragii  ka dambeeyay falkaasi .

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada habeenkii qaarkood ka dhaca weeraro kala duwan oo lagu qaado Fariisimaha Ciidamada dowlada ay ku leeyihiin Isgoysyada ku yaalla Gobolka Banaadir,kuwaasi oo geystay khasaarooyin kala duwan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories