HomeWararSenator Xuseen Sheekh oo sheegay in Xildhibaan Boqore todobaad ka hor laga...

Senator Xuseen Sheekh oo sheegay in Xildhibaan Boqore todobaad ka hor laga kaxaystay Ilaaladiisa

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Kadib markii shalay kooxo hubeysnaa Bastoolado ay Degmada Kaaraan ku dileen Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ayaa waxaa dilkiisa ka hadlay Sanotar ka tirsan Aqalka sare ee dalka.

Sanotar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore,waxaana uu sheegay in dhawaan ay kulmeen,isagoona xusay in  xiligaas Marxuumka uu ka walaacsanaa Amnigiisa.

- Advertisement -

Sidoo kale Sanotar Xuseen Kheekh ayaa tilmaamay in Xildhibaanka Boqore uu u sheegay in Taliska Ciidanka Booliska ay ka kaxaysteen Ciidamadii ilaalada u ahaa,isla markaana uu walaaac ka qabo amnigiisa.

War qoraal ah oo Bogiisa Facebook uu soo dhigay Sanotar Xuseen Kheekh oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa u qornaa sidan .

“Aad iyo aad ayaan uga naxay geerida Xildhibaanka oo aan iska tirsaneyn Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka.Xildhibaanka oo aan kulanay dhowr asbuuc ka hor ayaa wuxuu ka walaacsanaa Amnigiisa gaar ka ah maadaama Taliska Ciidanka Booliska ay ka kaxaysteen ciidamadii ilaalada u ahayd sida uu ii sheegey”

- Advertisement -

Allaha u naxariistee Dilka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ahaana Ninkii ugu da’da weynaa Xildhibaanada ayaa waxaa Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab .

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories