HomeWararDEG DEG:-Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu dilay Muqdisho

DEG DEG:-Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu dilay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Goordhow waxa ay gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Xildihaab ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafad ka tirsan Degmadaasi,isla markaana loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka. Allaha u […]

- Advertisement -

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Goordhow waxa ay gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Xildihaab ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafad ka tirsan Degmadaasi,isla markaana loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Allaha u naxariistee Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Cilmi Boqore,iyadoo ragii ka dambeeyay dilkiisa oo watay gaari ay goobta si deg deg ah uga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goobta uu dilka ka dhacay tegay,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydka Xildhibaanka.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in la qabtay ragii ka dambeeyay dilkaas ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories