HomeMaqalDhageyso:-Maamulka Jubbaland oo ka hadlay Qaraxyo ka dhacay Baardheere

Dhageyso:-Maamulka Jubbaland oo ka hadlay Qaraxyo ka dhacay Baardheere

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxyadii saakay ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay Maxamud Sayid Aadan in qaraxyadaasi Ciidamada AMIOSM ee  ku sugan Baardheere ay fashiliyeen,isla markaana ay uga hortegeyn Afaafka hore ee Degmadaasi.

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland oo ku sugan Degmada Baardheere oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in qarax hore ay ku dhaawacmeen 2 ruux oo shacab ahaa oo xiliga uu qaraxa dhacayay ka agdhawaa goobta,isagoo xusaya in Askar ka tirsan Ciidamada AMISOM ay dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa.

Qaraxa labaad ayuu sheegay in uu ahaa Miinooyin lagu aasay Wadadda dhexmarta Baardheere,kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana ku dhintay 2 ruux oo shacab ah,halka ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha internet-ka Al-shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen Mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay Degmada Baardheere,iyagoo sheegay in ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya,halka dhowr Askari ay ku dhaawaceen.

- Advertisement -

 

Hoos ka Dhageyso Codka Maxamuud Sayid Aadan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories