HomeWararAkhriso:-Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Wada hadalka Somaliland

Akhriso:-Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Wada hadalka Somaliland

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeysay Go’aanka Madaxweynaha Somaliland uu ku aqbalay in maamulkiisa wada shaqeyn dhow la yeesho dowlada. Qoraal ka soo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Go’aanka Muuse Biixi Cabdi uu yahay mid wanaagsan,isla markaana ay tahay talaabo horey loo qaaday Hoos ka Akhriso War-saxafadeed ka soo baxay Dowlada Soomaaliya. […]

- Advertisement -

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeysay Go’aanka Madaxweynaha Somaliland uu ku aqbalay in maamulkiisa wada shaqeyn dhow la yeesho dowlada.

Qoraal ka soo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Go’aanka Muuse Biixi Cabdi uu yahay mid wanaagsan,isla markaana ay tahay talaabo horey loo qaaday

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso War-saxafadeed ka soo baxay Dowlada Soomaaliya.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

- Advertisement -

Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories