HomeWararSawirro:-RW ku-xigeenka Dalka oo Guddoomiyay Shirka Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya

Sawirro:-RW ku-xigeenka Dalka oo Guddoomiyay Shirka Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galeen wasiirro, mas’uuliyiin ka socday maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, iyo Bangiga horumarinta Afrika. Kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga shirka bah-wadaagta Soomaaliyeed, arrimaha […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galeen wasiirro, mas’uuliyiin ka socday maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, iyo Bangiga horumarinta Afrika.

Kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga shirka bah-wadaagta Soomaaliyeed, arrimaha dayn cafinta iyo qorsha dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

- Advertisement -

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya oo kamid ahaa wasiirrada kulanka ka qayb galay ayaa ka war bixiyay meesha ay marayaan qorsha ay hay’adda lacagta aduunka ay kula soconayso hanaanka iyo siyaasadaha maaliyadeed ee dalka (SMP).

Tubta horumarinta dhaqaalaha oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ayaa halbeegyada ugu waawayn waxaa kamid ah ka guul gaaridda cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya arrintaas oo horseedaysa in uu si caadi kusoo laabto xariirka ka dhexeeya hay’adaha lacagta ee heer  caalami.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories