HomeWararFaallo:-Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedka ma ka dhabayn doonaan Is-cafinta iyo isku...

Faallo:-Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedka ma ka dhabayn doonaan Is-cafinta iyo isku Tanaasulka Siyaasadeed ?

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Fursad mar-la-arag ayey ahayd inay Hoggaamiyayaasha Dowladda, kuwa Maamul-gobaleedyadda iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku wada kulmaan Munaasabaddii Caleema-saarka ee Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland oo xalay ka dhacday Caasimadda Maamulkaasi ee Garowe.

Marka la qiimeeyo Kala-fogaaanshaha dhinaca Aragtida ee Hoggaamiyayaasha Muxaafidka iyo kuwa Mucaaradka marna lama filayin inay isku wada arki doonaan Madal-siyasaadeed, maadaama uu Xiriirkooda calowsanaa muddooyinkii la soo dhaafay.

- Advertisement -

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dareensan inay jiraan Madax Maamul-gobaleedyo iyo Siyaasiyiin mucaardsan Siyaasad ahaan iyo Maamulkiisa, waxa uu xalay ka shanqariyey Hadal-siyaasadeed qaro weyn, isagoo Madaxda Maamul-gobaleedyada iyo Siyaasiyiinta kale ka codsaday inay is-cafiyaan, iyo inay ka wada shaqeeyaan Danaha Qaranka.

Hadalka Madaxweynaha waxaa laga dareemi karaa inuu ku muujiyey Niyad Siyaasadeed in si wadajir ah loo shaqeeyo, balse, Hoggaamiyayaasha uu faarriinta u diray ayaan weli Aragti ka dhiibanin Yabooha  Madaxweyne Farmaajo ee Is-cafinta Siyaasadeed.

Maamul-gobaleedyadda iyo Siyaasiyiinta mucaaradsan DFS waxay iyagu aad u taxliiliyaan dhaliisha joogtada ee ay Dowladda Dhexe u soo marsiiyaan qeybaha kala duwan ee Warbaahinadda, min Telefishin, Idaacad ilaa Baraha Bulshadda.

- Advertisement -

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaradKA ayaa tilmaamay inay DFS ku yihiin Mucaarad wax dhisayo, balse ay Dowladda dhexe albaabadda ka oodatay Siyaasiyiin aan qeybta ka ahayn Hay’addaha Dowladda.

Siyaasiyiinta Mucaaradka waxay sheegeen inuu Madaxweyne Farmaajo iyagu u yeero Siyaasiyiinta Caraysan, taasina ay ugu muuqato mid iyaga lagu durayo, isla markaana aan Eray-bixin wanaagsan ahayn marka loo eego Lahjadda diplomaasiyadeed.

Madaxda Maamul-gobaleedyadda ee ku mideysnaa Golihii Iskaashiga Maamulladaasi ayaana u muuqda Caqabad-siyaasadeed culayska ku noqday DFS, waayo Hoggaamiyayaashaasi waxay ahaayeen Isbahaysi Siyaasadeed mucaaradnimo mutaxan la daba taagnaa Dhaqdhaqaaqyadda Hay’addaha DFS.

Qaar ka mid ah Madaxdii ugu tunka weynaa Golahaasi  waxaa looga guuleystay Hoggaaminta  Maamul-gobaleedyadda, waxayna taasi keentay in la so odoorto Madax cusub, kuwaasi oo aan la saadaalin karin haddii ay raaci doonaan dhabihii Madaxdii ka horreysay iyo haddii la imaan doonaan Siyaasad cusub oo ay DFS rafiiq shaqo kula noqon doonaan.

Marka gunta hoose laga eego Khilaafka DS iyo MG waxaa la qiri karaa inay jiraan Khilaaf Aragtiyeed iyo mid ku salaysnayd Awood-qeybsiga dhinaca Kheyraadka iyo Awoodaha dalka.

Madaxda MG iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo kuwa Isbedel-doonka ayaa laga war sugayaa qaabka ay uga fikir dhiibtaan Baaqii Madaxweyne Farmaajo ee in la is-cafiyo, si wadajir ahna looga shaqeeyo Danaha Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda DFS iyo kuwa MG waxay maanta magaalladda Garowe kaga dhawaaqeen inay is-cafiyeen, isla markaana ay ka go’an tahay inay si wadajir uga wada shaqeeyaan Danaha Qaranka, balse waxaa isweydiin taagan noqonaysa Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedka ma ka dhabayn doonaan Is-cafinta iyo isku Tanaasulka Siyaasadeed ay sida wadajirka ah ugu dhawaaqeen, mise buuq-siyaasadeed wuu sii socon doonaa?

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories