HomeMaqalDhageyso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay...

Dhageyso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Gudoomiye ku xigeenka dhanka  amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa ka hadlay dilalkii ugu dambeeyay ee Maanta ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho. Gudoomiye Tuulax oo warbaahinta kula hadlay Daljirka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay Taaladda Daljirka Daahsoon ku dilen Nin ka tirsanaa Al-shabaab,kaasi oo isku dayay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Gudoomiye ku xigeenka dhanka  amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa ka hadlay dilalkii ugu dambeeyay ee Maanta ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Tuulax oo warbaahinta kula hadlay Daljirka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay Taaladda Daljirka Daahsoon ku dilen Nin ka tirsanaa Al-shabaab,kaasi oo isku dayay in uu toogto Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo xiligaas ku sugan Daljirka,blase askari kale ayaa dilay.

- Advertisement -

Sidoo kale Tuulax ayaa u mahadceliyay Ciidanka Booliska iyo askarigii dilay Ninka hubeysnaa  oo watay Bastoolad iyo Shacabkii ka qeyb qaatay in la qabto Ninkaas,isagoo sheegay in la xiray qaar kamid ah dad aqoonsaday Ninka la dilay,isla markaana ay baaritaano ay ku socdaan.

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay Dil Maanta Suuq Bacaad loogu geytay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska oo xiligaas ku sugnaa gudaha Suuqaas.

Waxa uu sheegay Gudoomiye Tuulax in laamaha amniga dowlada ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaaan Ninkii ka dambeeyay falka dilka ah ee loo geystay askariga ka tirsanaa Ciidaka Booliska Soomaaliyeed,wuxuuna u mahadceliyay laamaha amniga dowlada.

- Advertisement -

 

Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiye Tuulax.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts