HomeWararDowladda Suudaan oo Marti-gelinaysa wada-xaajood Nabadeed

Dowladda Suudaan oo Marti-gelinaysa wada-xaajood Nabadeed

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasiirka  Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, Al-dirdiri Maxamed Axmed  waxa uu ku dhawaaqay inay toddobaadkan marti gelin doonaan Wareeg kale oo Wada-xaajoodka Nabadda ee dalka Afrikadda Dhexe (Central Africa Republic), kaasi oo ka furmi doona caasimadda Sudan ee Khartoum. Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Kulankaasi ka soo qeyb geli doonaan Ergooyin ka kala socda Dowladda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka  Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, Al-dirdiri Maxamed Axmed  waxa uu ku dhawaaqay inay toddobaadkan marti gelin doonaan Wareeg kale oo Wada-xaajoodka Nabadda ee dalka Afrikadda Dhexe (Central Africa Republic), kaasi oo ka furmi doona caasimadda Sudan ee Khartoum.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Kulankaasi ka soo qeyb geli doonaan Ergooyin ka kala socda Dowladda Afrikadda dhexe iyo 14 kooxood oo mucaarad ku ah Dowladda dalkaasi.

- Advertisement -

Shirweynahaasi ayaa la filayaa inuu furmo bishan Janaayo 24-da, sida uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan ka sheegay Shir  Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalladda Khartoum.

Kulankaasi oo uu Ururka Midowga Afrika soo qabanqaabiyey ayaa la sheegay in looga hadli doono  qoddobo ay ka mid yihiin:  Is-cafin Guud, Awood-qeybsiga Kooxaha Siyaasadda iyo Dhaqan-celinta iyo Heshiisiinta Dagalaamayaasha Kooxaha ka dagaalama dalkaasi.

Wasiirka  Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, Al-dirdiri Maxamed Axmed  waxa kale oo uu sheegay in Xaqiijinta Ammanaka iyo Deganaanshaha dalka Afrikada Dhexe  uu muhiim u yahay dalka Sudan.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Kulanka ay Dowladda Afrikada Dhexe iyo Kooxaha Mucaaradka uga furmi doona magaalladda Khartoum ayaa ah Shirweynihii 2-aad ee ay Dowladda Sudan marti-geliso.

Bishii Augsut ee sannadkii hore ee  2018-kii, Dowladda Sudan waxay marti-gelisay Kulan u dhexeeyey Kooxaha hubeysan ee SELEKA iyo  BALAKA ee ku dagaalamayo gudaha dalka Afrikada Dhexe

Tan iyo sanadkii 2013-kii, waxaa dalkaasi ka socday Dagaal Diimeed iyo mid Qabaa’il, iyadoo dagaalka xooggan uu dhex maray Dagaalamayaasha Muslimiinta Hubeysan ee SELEKA iyo Maleeshiyadad Kirishtaanka ee BALAKA.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts