HomeWararHay’adda Waxbarashada SAFE oo sheegtey in aysan Aqoonsaneyn Natiijada Imtixaanaadkii ay Wasaarada...

Hay’adda Waxbarashada SAFE oo sheegtey in aysan Aqoonsaneyn Natiijada Imtixaanaadkii ay Wasaarada Waxbarashada qaadey Sannadkaan

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Waxaa Xafiskiisa Shir  Jaraa’id ku qabtey Agaasimaha Fulinta ee Dallada Waxbarashada ee SAFE Mudane Kayse Mayow  Abo Xuseen ,waxaana uu Shirkiisa Jaraa’id uu ku saabsanaa Natiijadii Imtixaanaadkii ay Dowladda Federaalka  ay ka qaadey Ardeydii dhameysatey Dugsiyada Sare ee  Dalka  sannadka 2017-2018 Mudane Keyse waxaa uu sheegey in Hay’adda SAFE ay Cabasho weyn ka tahay qaabkii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa Xafiskiisa Shir  Jaraa’id ku qabtey Agaasimaha Fulinta ee Dallada Waxbarashada ee SAFE Mudane Kayse Mayow  Abo Xuseen ,waxaana uu Shirkiisa Jaraa’id uu ku saabsanaa Natiijadii Imtixaanaadkii ay Dowladda Federaalka  ay ka qaadey Ardeydii dhameysatey Dugsiyada Sare ee  Dalka  sannadka 2017-2018

Mudane Keyse waxaa uu sheegey in Hay’adda SAFE ay Cabasho weyn ka tahay qaabkii loo qaadey Imtixaanaadka iyo qaabkii Weliba   loo saxay Imtixaanaadkaas waxaana uu sheegey in Hay’adda Waxbarashada ee SAFE   in Wasaarada Waxbarashada  aaney wax la tashi ah kala  sameeyn Habkii loo saxay Imtixaanaadkaas  waxaa uu intaa uu sii raaciyey.

- Advertisement -

“Muddo Dhowr  Sanno ah ayaa soo diyaarineyney Ardeydaas sidaa darteed Wasaarada Waxbarashada  Wax Xil ah ama Masuuliyad ah   kama muujin  Habkii  loo qaadey iyo habkii loo saxay Imtixaanaadkaas waxaa uu yiri Agaasimaha “Ardeyda imtixaankooda la saxay cida mas’uuka ka ah waa anaga, mar hadii doorkeenna ay diideen Dhibaatada iyo Cadaaladdarada ardayda soo gaartay waxay noqonaysaa mid ku talagal ah”.

Agaasimuhu wuxuu intaa ku daray “Hay’adda SAFE oo hooyadii waxbarashada ahayd Ayaan Wasaaradda la wadaagin ama aysan ka talagalin sixida Imtixaanaadka maadaama  aynu nahay Marjicii  Waxbarashada” Wuxuu intaa ku darey

“hadii aan nahay Hay’adda Waxbarashada SAFE  waxaan u sheegeynaa Bulshada Soomaaliyeed in Imtixaanaadkii Sannadkaan la siyaasadeeyey islamarkaana arday badan mustaqbalkoodana mugdi la galiyey”

- Advertisement -

Agaasimaha Fulinta Hayadda Waxbarashada SAFE waxaa uu sheegey In Natiijadii Imtixaanaadka ee Wasaaradda  qaadey Sannadkaan aysan Hay’adoodu Aqoonsaneyn waayo buu yiri Imtixaanaadkaas wado  cadaalad ah looma marin.

Ugu Dambeyn Agaasimaha waxaa uu sheegey in ay la yaab tahay in 5 kun oo ardey Imtixaankaas lagu rido , isagoo sheegey in taas  ay  ku tusineyso sida agaasimaha wasaaradda uu ugu dhaga adeegay doorkeennii Mas’uuliyadeed ee sixida imtixaanka  sidaa Darteed waa Nasiib daro ah in ardey Tiradaa la eg  oo muddo dheer wax la soo barayey in si cadaaladdaro ah loo niyad jabiyo Ciddii sameyseyna  qaadaysa cawaaqibta ka dhalata, isla markaana mar uuna lagula Xisaabtami doono.

Sannadkaan waxaa Imtixaanaadkii Dugsiyada  Sare u fariistey  in ka badan 25 ku oo ardey,  waxaa Gudbey 20 ku oo ardey halka ay dhaceen  in ka badan 5 kun oo ardey sidaa darteed  Waalidiin fara badan  ayaa   sannadkan aad uga cowdey qaabkii loo saxay Imtiaanaadkii Dowladda  kuwaa Cabashaooda u gudbiyey Daladaha Waxbarashada dalka

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts