HomeWararWasaaradda Amniga oo war ka soo saartay dhacdadii Maalin kahor ka dhacday...

Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay dhacdadii Maalin kahor ka dhacday Koontoroolka Ciidanka NISA

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaageysaa shil kooban oo shalay galabnimadii abbaarahihii 5: 30 Galabnimo  ee taariikh 23-May ka dhacay barta koontaroolka Ciidamada Amniga ay ku leeyihiin KM 0 ee Magaalada Muqdisho. Waxaa goobta ka dhacday hal xabbad oo kaliya taasoo askari ka tirsan ciidamada uu […]

- Advertisement -

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaageysaa shil kooban oo shalay galabnimadii abbaarahihii 5: 30 Galabnimo  ee taariikh 23-May ka dhacay barta koontaroolka Ciidamada Amniga ay ku leeyihiin KM 0 ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa goobta ka dhacday hal xabbad oo kaliya taasoo askari ka tirsan ciidamada uu kor ugu riday digniin ahaan kadib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay barta kontorool.

- Advertisement -

Wasaaradda Amniga waxay caddeyneysaa in ay billowday baaritaan dhacdadaas la xiriir.

Ciidamada amniga waxa ay habeen iyo maalin diyaar u yihiin inay naftooda u huraan difaaca Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan.

Ciidamadu waxay amar ku qabaan in ay ilaaliyaan amniga Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowlada, isla markaana dhowraan xasaanadda Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka oo laguma xad gudbaan ah.

- Advertisement -

Wasaaradda Amniga waxay aad uga xun tahay wararka aan salka lahayn ee laga faafiyey ciidamada amniga, waxayna ugu baaqeysaa dhammaan Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo dhan inay iska ilaaliyaan faafinta iyo ka qeyb qaadashada wararka lidka ku ah ciidamada oo khalkhal gelinaya xasiloonida iyo Dowladnimada. =

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories