HomeWararMudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ay jir dileen Ciidanka Kenya oo...

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ay jir dileen Ciidanka Kenya oo isbitaalka la dhigay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo ka tirsan BFS ayaa shalay subax la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalladda Nairobi, kadib, markii ay Ciiddan ka tirsan Boliska dalkaasi jir-dileen. Xildhibaanka oo ay Walaalo ahaayeen Wasiirkii la dilay ee  Cabaas Sheekh Maxamuud Siraaji waxaa Waaberigii hore ee shalay Isbitaalka la dhigay isagoo ay  dhaawacyo culus ,ka soo gaareen […]

- Advertisement -

Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo ka tirsan BFS ayaa shalay subax la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalladda Nairobi, kadib, markii ay Ciiddan ka tirsan Boliska dalkaasi jir-dileen.

Xildhibaanka oo ay Walaalo ahaayeen Wasiirkii la dilay ee  Cabaas Sheekh Maxamuud Siraaji waxaa Waaberigii hore ee shalay Isbitaalka la dhigay isagoo ay  dhaawacyo culus ,ka soo gaareen jir-dilkaasi.

- Advertisement -

Saraakiisha Boliska ee tacadigaasi u geystay Xildhibaan Siraaji ayaa sheegay inay ka shakiyeen inuu gaariga uu la socday Xildhibaanka la soo xaday.

“Xildhibaanka waxay Boliska soo weerareen kadib, markii uu nin ay saaxiib yihiin ku soo dejiyey Xaafadda Westland ee magaalladda Nairobi, wuxuuna Xildhibaanka ka badbaaday dhimasho” ayaa lagu yiri farriin uu Saxafi fadhigiisu yahay magaalladda Nairobi u soo diray Radio Dalsan.

Weriye ka tirsan Radio Dalsan oo ku sugan Nairobi ayaa sheegay inay Boliska Kenya u xaqiijiyeen inuu dhacay Shilkaasi, waxayma  sheegeen inay xilligaasi baacsanayeen Gaari noociisu yahay TOYOTA LEXUS oo loo sheegay in laga soo xaday Kiambu.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji waxa uu xilligii ay Boliska dhaawaceen watay Gaari uu soo kireystay oo noociisu ahaa TOYOTA RAV4, mana kala cadda sababta ay Boliska Kenya u beegsadeen.

Qof la socday Xildhibaanka ayaa sheegay inay isaga  ilaa 2,000 oo Dollar kaga luntay inta ay Boliska baarayeen.

Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo bishii Feberaayo ee sannadkan loo doortay Xilkaasi waxa uu weli ku jiraa Isbitaal ku yaalla magaalladda Nairobi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories