HomeWararKor Joogtada oo laga mamnuucay in ay tagaan Xarunta ay ka dhaceyso...

Kor Joogtada oo laga mamnuucay in ay tagaan Xarunta ay ka dhaceyso doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Guddiga doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee uu madaxda u yahay Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa soo saaray nidaamka doorashada iyo qaabka ay u dhaceyso iyo cidda korjoogtada ka noqoneyso. Gudoomiyaha Guddiga doorashada ee Baarlamaanka Somaliya Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle ayaa Warbaahinta  u sheegay  in Wax kor Joogto ah aysan imaaneynin Xarunta Golaha Shacabka, Sababta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee uu madaxda u yahay Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa soo saaray nidaamka doorashada iyo qaabka ay u dhaceyso iyo cidda korjoogtada ka noqoneyso.

Gudoomiyaha Guddiga doorashada ee Baarlamaanka Somaliya Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle ayaa Warbaahinta  u sheegay  in Wax kor Joogto ah aysan imaaneynin Xarunta Golaha Shacabka, Sababta ayuu ku sheegay in Gudidgooda is tuseen kadib markii ay arintaa kulan gaara ka yeesheen.

- Advertisement -

11 Qof oo Musharixiinta u tirisa Codadka oo kaliya ayuu sheegay iney Xildhibaanada ku wehlinayaan Kulanka Isniinta la wada sugayo ee lagu soo dooranayo Gudoomiyaha Cusub, Waxaana xilkan utartamaya 11 Musharax oo u badan Wasiiro isaga soo tagay Xukuumada Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Xildhibaanada wax dooranaya ayuu sheegay iney imanayaan (10:00Am Barqanimo), Musharixiinta ayuu sheegay iney iyaguna imanayaan Marka ay xarunta soo galaan Xildhibaanada, Doorashada ayuu Gudoomiyaha sheegay in laga gudbi doono Wareega Koowaad, kadibna doorashada loo sii wadayo kuwa aada Wareega labaad iyadoo suura gal ay tahay in la isla aado Wareeg Sadexaad oo noqonaya midka ugu danbeeya.

Iidoow, ayaa sheegay ineysan jirin wax Haween ah oo xilkan isu soo sharaxay, balse Guddigooda ay sheegeen iney ubanaaneed iney kursigaa ku fariistaan Dhamaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, Waloow la ogyahay in kursiga loo ogolaa oo kaliya Xildhibaanada Digil iyo Mirifle.

- Advertisement -

Lacagaha ka soo xarootay 11-ka Musharax ayuu ku sheegay Gudoomiyaha Guddiga doorashada iney tahay $165,000 Kun, Lacagahaas ayuu tilmaamay iney ku socodsiinayaan Howlaha Guddigooda hortaala, ayna soo bandhigayaan Qaansheeg ay ku cadahay meelaha lagu Bixiyay lacagaha.

Ugu Danbeyn, Gudoomiyaha Guddiga doorashada Iidoow, ayaa sheegay iney kulan la qaateen 11-ka Musharax ee Gudoomiyaha Golaha Shacabka utaagan, Wuxuuna tilmaamay iney qireen in Shaqada Guddiga ay ku qanacsanyihiin oo ay si cadaalad ah usocoto.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts