HomeWararDhageyso:-Soomaaliland oo markii ugu horreysay ka hadashay booqasho uu masuul ka tirsan...

Dhageyso:-Soomaaliland oo markii ugu horreysay ka hadashay booqasho uu masuul ka tirsan dowladda Somalia ku tegay Lowya-cadde

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maalma ka hor deegaanka lowya-cadde oo u dhaxeeya Xadka Maamulka Soomaaliland uu la wadaago dalka Jabuuti waxaa booqday Agaasimaha Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan(koofi) balse waxaa booqashadaas beeniyey Maamulka Soomaaliland. Warbaahinta dowladda iyo Baraha Bulshada ayaa lagu soo bandhigay Sawirrada Agaasime Koofi oo ku sugan deegaanka Lowya-cadde laakin Soomaaliland ayaa sheegtay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maalma ka hor deegaanka lowya-cadde oo u dhaxeeya Xadka Maamulka Soomaaliland uu la wadaago dalka Jabuuti waxaa booqday Agaasimaha Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan(koofi) balse waxaa booqashadaas beeniyey Maamulka Soomaaliland.

Warbaahinta dowladda iyo Baraha Bulshada ayaa lagu soo bandhigay Sawirrada Agaasime Koofi oo ku sugan deegaanka Lowya-cadde laakin Soomaaliland ayaa sheegtay in aan waxba ka jirin oo la iska dhahay.

- Advertisement -

Taliyaha Waaxda Socdaalka Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in Xaduudkooda ay ku sugan yihiin Ciidamadooda iyo masuuliyiin ka socda laanta Socdaalka Soomaaliland,isla markaana uusan imaan Karin masuul ka socda Dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay kala dhaxeyso isjiid-jiid Siyaasadeed.

Waxa uu sheegay in Wararka sheegaya in Agaasimaha Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya uu ku yimid deegaanka lowya-cadde uu yahay mid la iska sheegtay taasina aysan suurtagal aheyn.

Xilliga uu tegayay Agaasime Koofi deegaanka lowya-cadde ayaa waxaa la socday masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti,isaga oo kormeeray Xarumaha ay Hay’adda Socdaalka dalka Jabuuti halkaasi ku leedahay.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Waaxda Socdaalka Maamulka Soomaaliland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts