HomeWararSawirro:-Hayadaha loo Wakiishay Dib-u-Eegista Dastuurka oo Kulan la yeeshay Golaha Fulinta iyo...

Sawirro:-Hayadaha loo Wakiishay Dib-u-Eegista Dastuurka oo Kulan la yeeshay Golaha Fulinta iyo Sharci Dajinta Koonfur Galbeed

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS oo kaashanaysa Guddiga La-Socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kulan wada tashi ah oo ku aadan qorshe howleedka geedi socodka Dib-u- eegista dastuurka la yeeshay Golaha fulinta iyo Sharci dejinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulanka koowaad waxaa lala yeeshay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS oo kaashanaysa Guddiga La-Socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kulan wada tashi ah oo ku aadan qorshe howleedka geedi socodka Dib-u- eegista dastuurka la yeeshay Golaha fulinta iyo Sharci dejinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka koowaad waxaa lala yeeshay golaha fulinta waxaana ka soo qaybgalay Wasiiro iyo Agaasimayaal ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Dastuurka, maaliyadda, Betroolka iyo Macdanta, Tamarta, iyo Wasaaradda Qorshaynta koonfur galbeed Soomaaliya.

- Advertisement -

Kulanka waxaa furay sii hayaha madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane, Xassan Maxamed Xuseen “Eelaay”, waxa uuna mahadcelin kadib ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan Hay’adaha loo xisaaray dhamaytirka Dastuurka.

Dhanka kale, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sharraxay muhiimadda kulanka, waxa uuna sheegay in ay u yimaadeen in ay kala tashadaan golalaha xukuumadda KGS tubta geedi Socodka Dib-u-Eegista Dastuurka ee ay sida wada jirka ah u saxiixdeen Wassaaradda iyo Labada Guddi.

“Waxaan idinla wadaagaynaa tubta geedi socodka dib-u-eegista dastuurka si aad uga soo talo bixisaan haddii aad tihiin xukuumadda koonfur galbeed Soomaaliya, markii aan ka dhamaano la tashiyadan aan la leenahay dhammaan bulshada waxaan qaban donaa shirwayne qaran oo lagu daahfurayo Dib-u-Eegista Dastuurka oo ay ka soo qayb geli doonaan dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Daastuurka.

- Advertisement -

Dhanka kale, waxaaa kulanka labaad ay wasaaradda dastuurka iyo labada guddi ay la yeesheen guddiga la socodka dastuurka ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaan kulanakaas shir gudoomiyay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Aways Sheikh Xuseen.

Gudoomiye Ku xigeenka ayaa ka mahadceliyay booqashada ay ugu yimaadeen wafdiga uu hoggaaminayaya wasiir ku xigeenka Dastuurka XFS, waxauuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ka shaqeeyaan sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay wasiir Ku xigeenka Dastuurka mudane Dr, xuseen Cabdi Cilmi oo sharraxay muhiimadda kulanka, waxa uuna sheegay in ay u yimaadeen in ay kala tashadaan golalaha xukuumadda iyo Baarlamaanka KGS tubta geedi Socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

“Waxaa tihiin Gollihii sharci dejinta koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana idin saaran waajibaad wayn oo ah in aad ummadda u samaysaan sharciyo haga oo nidaamiya noloshooda, sharciga ugu wayn waa Dastuurka, dastuurka ayay ka hoos dhashaan sharciyada kale, sidaa darteed arrinta aan idin kugu nimid waa in aad ka soo talo bixisaan Tubta geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka ee aan idinla wadaagnay” ayuu yiri Wasiir kuxigeenka.

Gabagabadii, waxaa talooyin muhiim ah soo jeediayay wasiiradii iyo Xildhibaanadii ka qayb galay kulanka, waxa ayna sheegeen in ay door muuqda ka ciyaari doonaan Dib-u-Eegista Dastuurka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts