HomeWararMadaxweyne Farmaajo”Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Itoobiya wuxuu xoojin doonaa Xiriirka ka dhaxeeya...

Madaxweyne Farmaajo”Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Itoobiya wuxuu xoojin doonaa Xiriirka ka dhaxeeya labada dal”

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khadka Taleefanka ugu hambalyeeyay Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abi Ahmed oo maanta oo isniin ah loo dhaariyay Xilka Ra’iisal wasaarenimo ee dalkaasi.

“Waxaan u xaqiijiyay inaan ka dhabeyno xiriirkeena labada dal si kor loogu qaado Ganacsiga,maalgashiga iyo in la xoojiyo Amniga Gobolka,waxaana shaki ku jirin in Ra’iisal wasaare Aby Ahmed xoojin doono wada shaqeynteena,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya mar uu khadka Taleefanka kula hadlay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa Ra’iisal wasaare u doortay Abi Axmed,waxaana mar uu maanta ka hadlayay Munaasabadda xilka loogu dhaarinayay  sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal,iyada oo loo marayo wadada wada xaajoodka.

Bishii March 27, 2018, Xisbiga haya talada wadanka Ethopia ayaa Abi Axmed u doortey inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga kadib markii uu xilka iska casiley Raysal wasaarihii hore ee Hilamariam Desaglen kadib markii wadanka ka dhaceen kacdoono badan oo looga soo horjeeday maamulkiisa kuwaasoo ay hor kacayeen Qowmiyadda Oromada.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories