HomeWararMadaxweyne Farmaajo”Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Itoobiya wuxuu xoojin doonaa Xiriirka ka dhaxeeya...

Madaxweyne Farmaajo”Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Itoobiya wuxuu xoojin doonaa Xiriirka ka dhaxeeya labada dal”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khadka Taleefanka ugu hambalyeeyay Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abi Ahmed oo maanta oo isniin ah loo dhaariyay Xilka Ra’iisal wasaarenimo ee dalkaasi. “Waxaan u xaqiijiyay inaan ka dhabeyno xiriirkeena labada dal si kor loogu qaado Ganacsiga,maalgashiga iyo in la xoojiyo Amniga Gobolka,waxaana shaki ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khadka Taleefanka ugu hambalyeeyay Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abi Ahmed oo maanta oo isniin ah loo dhaariyay Xilka Ra’iisal wasaarenimo ee dalkaasi.

“Waxaan u xaqiijiyay inaan ka dhabeyno xiriirkeena labada dal si kor loogu qaado Ganacsiga,maalgashiga iyo in la xoojiyo Amniga Gobolka,waxaana shaki ku jirin in Ra’iisal wasaare Aby Ahmed xoojin doono wada shaqeynteena,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya mar uu khadka Taleefanka kula hadlay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya.

- Advertisement -

Baarlamaanka Itoobiya ayaa Ra’iisal wasaare u doortay Abi Axmed,waxaana mar uu maanta ka hadlayay Munaasabadda xilka loogu dhaarinayay  sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal,iyada oo loo marayo wadada wada xaajoodka.

Bishii March 27, 2018, Xisbiga haya talada wadanka Ethopia ayaa Abi Axmed u doortey inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga kadib markii uu xilka iska casiley Raysal wasaarihii hore ee Hilamariam Desaglen kadib markii wadanka ka dhaceen kacdoono badan oo looga soo horjeeday maamulkiisa kuwaasoo ay hor kacayeen Qowmiyadda Oromada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts