HomeWararDhageyso:-Duqii hore ee Muqdisho Madaale oo sheegay in mooshinka Jawaari sababi karo...

Dhageyso:-Duqii hore ee Muqdisho Madaale oo sheegay in mooshinka Jawaari sababi karo bur bur Siyaasadeed

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa waxa laga xumado ku tilmaamay khilaafka soo kala dhex galay Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya,kaas oo curyaamiyey howlihii dowladda.

Iyada oo ay tahay markii ugu horeysay ee uu ka hadlo khilaafkaan ayaa waxa uu sheegay in rajo wanaagsan laga qabay Baarlamaanka soomaaliya basle aysan wanaagsaneyn in dhegaha Shacabka Soomaaliyeed ay wax xun ku soo dhacaan,taasina suurtagal aheyn in horay loo socdo.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyey in Shacabka soomaaliyeed ay ka walwal qabaan  xiisada ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey gudoomiye Jawaari iyo khilaafka Baarlamaanka,isla markaana Shacabku ay Maanta oo Sabti ah raja xumo weyn ay muujinayaan.

Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo ku lug leh khilaafka dalka ka jira ayuu ugu baaqay in ay Sharcigii lagu doortay wax walba ku xaliyaan si khilaafka taagan looga gudbo.

Hadalka gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf  Xuseen Jimcaale ayaa ku soo aadaya xili Maanta raja xumo weyn laga muujinayay kulanka Baarlaamanka ee loo balansanaa walow codsi ka yimid Madaxweyne Farmajo loo hakiyey.

Hoos Ka Dhageyso Codka duqii hore ee Muqdisho Banaadir Yuusuf  Xuseen Jimcaale Madaale.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories