HomeWararKulankii Baarlamaanka ee Maanta oo baaqday kadib codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo

Kulankii Baarlamaanka ee Maanta oo baaqday kadib codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu waday in Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho uu ka furmo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo la isku khilaafsanaa Ajenadaha Maanta kulankaas looga doodi lahaa balse la shaaciyay in uu baaqday.

Xiisad ayaa ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya taas ayaana saameyn ku yeelatay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya,iyada oo gudoomiye Jawaari uu sheegay in kulanka looga hadlayo xiisada Balad Xaawo halka gudoomiye ku xigeenka 1aad uu isna sheegay in mooshinka Jawaari laga doodayo.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in codsi ka yimid Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulanka Maanta uu u baaqday,waxana xusid mudan in Maanta inta badan Wadoooyinka Muqdisho ay xiran yihiin.

Xalay waxaa shirar iyo Warsaxaafadeedyo soo kala saaray guddoomiye kuxigeenka 1aad Cabduwweli Muudeey oo u sheegay in aan wax hub ah lala geli Karin Xarunta Baarlamaanka halka gudoomiye ku xigeenka 2aad uu isna sheegay in Xildhibaanada ay xasaanad leeyihiin,isla markaana ay isdifaaci doonaan.

Xiisada iyo khilaafka Golaha Shacabka u dhaxeeya ayaa cirka isku sii shareereysa taas oo ka dhalatay mooshinka Jawaari,waxaana haatan jira in kulankii Baarlamaanka uu Maanta baaqday kadib codsi ka yimid Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories